Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

MADAXTOOYADDA SOMALILAND OO BOOYADO BIYAHA U GEEYAAN & MAAREEYAHA WAKAALADDA BIYAHA HARGEYSA OO GABI AHAANBA KU FASHILMAY SHAQADII LOO IGMADAY + GO’AANKA UU KA QAADAN KARRO MADAXWAYNUHU”

fadeexadii ugu xumayd ayaa dul hooganaysa maareeyaha wakaaladda biyaha hargeysa mudane ibraahin siyaad yoonis kadib markii uu gabi ahaanba ku fashilmay shaqadii loo igmaday ee ahayd inuu shacabka caasimadda biyo wada gaadhsiiyo, balse iskadaa inuu shacabka caasimadda biyo gaadhsiiyee waxay fadeexada ugu wayni dhacday kadib markii uu ku fashilmay inuu madaxtoyadda somaliland ee soo eegaysa wakaaladda biyaha uu ku guuldaraystay inuu biyo ku filan gaadhiisyo taasoo keentay inuu booyad biyo ah wiigiiba laba jeer uga soo dhaamiyo geedeeble

booyadda biyaha ah ayaa isagoo maareeyuhu qarinaya awgeed waxa laga soo galiyaa xaga dambe ee madaxtooyadda, balse masuuliyiinta madaxtooyadda ayaan ilaa hada laga warhayn jawaabta ay ka bixiyeen arinkan inkastoo la sheegay inaanay ka warhayn islamarkaana maareeyaha wakaaladda biyuhu so qarsoodiya xaga dambe uga soo galiyo booyadahan madaxtooyadda balse arinkan ayaa ah mid keeni kara in madaxwaynuhu degded xilka uga caydhiyo maareeyahan taariikhda somaliland markii ugu horaysay biyaha booyad ugu geeya xarunta qasriga madaxtooyadda somaliland ee hargeysa

si kastaba ha ahaatee tani waa talaabo cad oo muujinaysa sida bulshada ku dhaqan caasimadda hargeysi ula noolyihiin xaaladda qalafsan ee biyo la’aaneed, waxaase jawaabta rasiga ah ee arinkan laga sugayaa madaxwaynaha somaliland oo mudooyinkii u dambeeyay shaqooyinka ka caydhinayay masuuliyiinta xukuumadiisa ee ku guuldaraystay shaqaduu u igmaday islamarkaana cabashooyin ka tirada beelay uga imanayeen dhanka bu;shada, talaabooyinkaas oo shacabku ku amaaneen madaxwaynaha iyagoo ku tilmaamay madaxwaynihii ugu horeeyay somaliland ee masuuliyiinta shaqadooda ka soo bixiwaaya xilka ka caydhiya

XIGasho baligubadle news

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com