Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Is qabqabsiga dhulka oo Noqotay caqabad joogta ah.

Axmed FJIs qabqabsiga dhulka ee gudaha magaalada hargeisa oo noqotay dhibaato soo noqnoqota, taas oo keenta dhimasho nafeed iyo dhaawacba ,iyo waliba hanta badan oo ku baxda maxkamadaha

Inta lagu jiro dacwada dhulka,lacagtaas oo ka baxda labada dhinac ee dacwadu ka dhexayso.

Waxaad arkaysaa nin o dhanaya waxaan daganaa mudo kabadan 30 sano hadana imika ayaa laygu haystaa ,waa arin yaable.

Waxaa kalood arkaysaa qof hal boos ka iibiyay 5 qof, oo mid kasta ka qaatay lacag , taa waxaa ugu wacan isku halayn uu ka qabo maxkamadaha .

Dhinaca kale waxaad arkaysaa dhul ka dhexeeya dad badan oo walaalo ah dabadeena uu mid ka mida dad kaasi iibinaayo isagoon kala tashan walaalihiis. taassina waa mid ka mida mushkiladaha keena is qabqabsiga dhulka ee ka jira magaalada hargeisa .

Waxaana arintaas qayb wayn ka qaata maxkamadaha oo hanaankooda cadaaladeed aad loo dhaliilo ,kuwaas oo aan dadka u kala saarayn sidii loogu talagalay,taas oo jiitanta mudo dheer, kharash badana kaga boxo labada dhinac ee is haysta.

Hadaba dhibaatadan sidee looga hortagi karaa

Ugu horayn waxay masuuliyadu saarantahay madaxwaynaha Somaliland,ilaahayna kula xisaabtami doonaa.

Sidaa awgeed waa inuu madaxwaynuhu ka qaataa arintan go,aan adag,kulna xisaabtamaa wasaarada cadaalada iyo maxkamdaha labadaba .waa inuu u soo magacaabaa dad uu aad u soo hubiyo cadaaladooda iyo aqoontooda diimeed ,waa inaan lagu soo magacaabin markay timaado maxkamadaha qaab qabiil balse lagu soo magacaabaa aqoon diimeed,marka laga yimaado aqoonta kale .

Mar labaad waxaa masuuliyada labaad le wasiirka cadaalada

Waana inuu masuuliyad iska saaraa, kuna dadaalaa wax ka qabashada arintaas. isku soo duuboo arintaa dhulku waa dhibaato jirta una baahan in wax laga qabto.

W/Q:Ahmed abdi yusuf(freelance journalist)

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com