Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyarada ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland Md. Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye) ayaa ugu baaqay bulshada reer Somaliland inay taageero laxaad leh u muujiyaan dhallinyarada qurba-jooga ah ee kooxda kubadda cagta qaranka oo ka qeyb-galaya tartan heerka caalami

Agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyarada ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland Md. Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye) ayaa ugu baaqay bulshada reer Somaliland inay taageero laxaad leh u muujiyaan dhallinyarada qurba-jooga ah ee kooxda kubadda cagta qaranka oo ka qeyb-galaya tartan heerka caalami oo ka qabsoomaya toddobaadka soo socda wadanka Ingiriiska, maadaama ay ku ciyaarayaan magaca Jamhuuriyadda Somaliland.

Agaasime  Maxamed Xuseen Dhabeeye oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa xusay in sidoo kale kooxdani ay maanta ciyaar saaxiibtinimo oo si heer sarre loo qaban-qaabiyey ay kula yeesheen dalka Sweden koox dhigooda ah, taaso si toos ah looga daawanayay Telefiishanada qaranka Somaliland iyo


Sweden uuna soo qaban-qaabiyey Mikael Torstensson oo ah muwaadin Swedish ah oo danneeya una ololeeya horumarka iyo qadiyada Somaliland. Waxaana uu Agaasimaha guud ee dhallinyarada iyo ciyaaruhu guud ahaan bulshada reer Somaliland guddo iyo dibadba ugu baaqay inay si weyn taageero ugu muujiyaan ciyaartoydan maadaama oo ay tahay markii ugu horeysay ee Somaliland tartan heer caalami oo kubadda cagta ah ay ka qeyb-gasho, ayna tahay guul weyn oo dadka iyo dalkaba u soo hoyatay, dedaalkeeda iyo boggaadinteedana ay leeyihiin dhallinyaro reer Somaliland ah oo deggan dalka Ingiriiska oo uu ugu horeeyo wakiilka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee dalka UK Jaamac Olol iyo Asxaabtiisa.
“Anigoo ka wakiil ah xukuumadda Somaliland iyo wasaaradda ciyaaraha waxaan guud ahaan bulshada reer Somaliland meelkasta oo ay ku sugan yihiin ugu baaqi lahaa inay taageero hagar la’aan ah la bar-bar istaagaan ciyaartoyda kooxda xulka qaranka ah ee markii ugu horeysay  ka qeyb-gali doona tartan kubadda cagta ah oo ka qabsoomaya dalka Ingiriiska, kaas oo ay ka qeyb-gali doonaan ilaa labaataneeyo kooxood oo wadamada Afrikanka ah u badan magaciisana la yidhaahdo African Nations Cup ujeedadiisuna tahay dadyawga adduunka iyo qoomiyadaha la isku dhex-galiyo oo lagula dagaalamo midab takoorka iyo cunsuriyada” ayuu yidhi Agaasime Dhabeeye.  

Isaga oo bulshada reer Somaliland ee qurbaha ku dhiiri-gelinaya inay ku dhiiradaan inay si weyn u taageeraan ayaa uu yidhi “Bulshada reer Yurub gaar ahaan kuwa UK waxaan ku guubaabinayaa inay taageeradooda muujiyaan oo ay ka qeyb-galaan daawashada ciyaaraha dalkoodu yeelanayo oo ay si cududa ku muujiyaan taageerada ay u hayaan ciyaartoydooda iyo dalkoodaba, waa inaad muujisaan oo caalamka tustaan inaan nahay dal jira oo gaadhay horumar la taaban karo oo dhinac kasta ah iyo dimuquraadiyad hana qaaday. Waxaana aanu ku kalsoonahay xirfadda iyo kartida dhallinyarta ciyaartoyda ah, waxaana u rajaynaynaa inay ciyaar qurux badan iyo wacdarro ay ka muujin doonaan tartankaas”.

Somaliland ayaa la Group ah wadamada Nigeria, Kenya, Brundi iyo Rwanda, waxaana tartankaasi uu bilaabmi doona 30-ka bishan, iyada oo ka qeyb-galka tartankan ee Somaliland si weyn looga hadal hayo barraha bulshadu ku xidhiidho taas oo dadyaw badani ay sii xiisaynayaan inay arkaan dalkooda oo wadamo magac leh tartan heer caalami kula loolama.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com