Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxtooyada Oo Wasiirka Waxbarashada Ka Dalbatay In Uu Xilka Ka Qaado Maamulayaasha Dugsiyo Xuskii 18-kii May, Gurigiisa Ku Booqday Muj Xasan Ciise

Madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dalbatay Wasiirka Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare ee Somaliland, Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole), in uu xilka ka qaado Af-hayeenka Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare, ahna maamulaha guud ee dugsiga sare ee Mujaahid Quule Adan, Cabdilaahi Ibraahin Xaaji Xasan, iyo Maamulaha Dugsiga sare  ee Mujaahid Dayib Guray, Guuleed Yuusuf Iidaan Huriwaa (Guuleed Goohe).

Illo wareedyo xogoggaal ah oo arrimahan si weyn ugu dhuun dalloola, ayaa u sheegay Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews, in dalabkan xilka qaadista ah ee ay Madaxtooyadu ka dalbatay Wasiirka Waxbarashada, in uu daba socdo, booqasho ay maamulka iyo ardayda labada Dugsi sare

ee Muj Quule Adan, Iyo Muj Dayib Guray, oo ku yaalla magaalada Hargeysa, ay munaasibadii xuskii 18-kii May, awgeed, gurigiisa ay ku booqdeen Madaxweyne ku-xigeenkii u horeeyay ee Somaliland, Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, halkaasoo uu Muj Xasan Ciise, ardayda uga jeediyay khudbad ku qotontay munaasibada 18-ka may, arrintaas oo lagu soo waramayo in ay Madaxtoyada Somaliland, aad uga xumaatay.Illo waredeedyadani waxa kale oo ay intaa ku dareen in Wasiirka Waxbarashadu, uu Madaxtooyada u soo jeediyay in xukuumad ahaan aanay xilligan u haboonayn in xilka laga qaado labadaa masuul, isaga oo Wasiirku ku sababeeyay in maamulka iyo ardayda labadaa dugsi oo si weyn ugu soo diyaar garoobay ka qeyb galka xuskii munaasibada 18-ka may, in ciidmanka ammaanku sabab aan illaa hada la ogayn ay uga hor istaageen in labadaa  dugsi ay xuskaa ka qeyb galaan, isla markaana ay ciidanku kala godoomiyeen oo ay kala dhex galeen labadaa dugsi iyo dugsiyadii kale ee xuskan ka qeyb qaadanayay, waxaanu Wasiirku sheegay in uu Wasiir ahaan maalintaa si weyn ugu hawlgalay, sidii ay ciidamada ammaanku u ugu ogolaan lahaayeen Dugsiyadaa ka qeyb-galka xuska 18-ka, May xidhiidho badana uu la sameeyay saraakiisha sare ee ciidanka amaanka, balse aanay suurta-gelin.

Dhacdadaas oo uu Wasiirka Waxbarashadu tibaaxay in ay keentay in iyaga oo aan wax rabshad ah u geysan habsami u socodkii xuska munaasibadii 18-ka may, ee laga hor isaagay ka qeyb galkeeda, ay si xasilooni leh u tageen labadaa dugsi iyo maamulkoodu guriga Mujaahid Xasan Ciise, isaga oo lagu soo waramayo in uu Wasiirka Waxbarashadu sheegay in horaba Wasaarad ahaan ay labadaa dugsi noogu soo wargeliyeen in marka ay dhamaystaan ka qeyb galka xuska 18 may, in ay Mujaahid Xasan Ciise Gurigiisa ku booqan doonaan.

Taladaa uu Wasiirka Waxbarashadu kaga jawaabay xilka qaadistan la sheegay in ay Madaxtooyadu ka dalabtay, ayaa lagu soo waramayaa in aanay u qudhqudhsamin Madaxtooyada, maadaama uu Muj Xasan Ciise Jaamac, yahay siyaasi weyn oo ka mid ah Madasha Wada tashiga, isla markaana uu ka mid yahay siyaasiyiinta waaweyn ee sida weyn u dhaliila siyaasada xukuumadda taladda dalka haysa ee uu gadh-wadeenka ka yahay Md, Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Si kastaba ha ahaatee, mar aanu isku daynayay in aanu la xidhiidhno Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Somaliland, Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole), oo aanu ku booqanay xafiiskiisa si aanu arrimahan wax uga waydiino, ayaanay noo suurta-gelin in aanu Wasiirka ka helno xafiiska, sidoo kale noomay suurta-gelin in aanu Wasiirka ku helno Telefoonkiisa gacanta oo aanu kala xidhiidhnay.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKII IYO SAWIRADII BOOQASHADA AY LABADAN DUGSI UGU TAGEEN MUJ XASAN CIISE

 

hussein harbi

maantasomaliland.com
hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com