Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

wada hadalkii u dhaxeeyay Xukuumada iyo Axsaabta Mucaaradka oo burburay ka dib markii la isku af garan waayay mudada ay xukuumadu tanaasulayso.

wada hadalkii u dhaxeeyay Xukuumada iyo Axsaabta Mucaaradka oo burburay ka dib markii la isku af garan waayay mudada ay xukuumadu tanaasulayso.

Shirkan oo Saacado badan qaatay ayaa waxa dibada uga soo baxay xisbiga mucaaradka ah ee wadani waxaana uu guddoomiye ciro sheegay inuu wada hadaladii burbureen.

waxa uu beesha caalamka baaq ugu diray in ay ka soo qayb galaan Sidii ay u dhex-dhexaadin lahayeen Xukuumada iyo Axsaabta Mucaaradka.

Shirkan ayaa isna waxa hore uga baxay mujaahid cali guray guddoomiye ku xigeenka 3aad ee xisbiga ucid oo sheegay in Shirku meel wanaagsan marayo.

Cabdirashiid Xasan mataan ayaa isna sheegay in Ay Xukuumadu wakhti kooban u qabanayaan haday xal la

iman wayaan qaadan doonaan go’aan adag.

Xisbiga kulmiye oo uu u hadlay maxamed kaahi ayaa isna sheegay in Arinta shirku meel wanaagsan u marayso oo xalka ka danbaysta ahna dhawaan lagaadhi doono.

Hadalo is khilaafsan oo jawaab iyo jawaab celin ah ayaa saddexda xisbi muujiyeen kaas oo dhinac walba is difaacay halka xisbiga wadani sheegay inuu burburay shirku,halka ucidna xukuumada wakhti u qabta,Xisbiga kulmiye shirka rajo wacan ka muujiyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com