Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Muxuu Suleiman gaal sadexda xisbi iyo komishanku waxay isla aqbaleen u diidayaa. musharax wariye xuseen xarbi

Golahii guurtida ee la doortay ee beeluhu soo xuleen wuxuu ka koobnaa 82 xubnood. Iminka tirada ka nooli waa 11 ay weliba afar ka mid ihi bukaan jiif yihiin. Waxa soo hadhay 7 ay ku jiraan dhowr oday oo maskaxda ka daalay sida Suleiman gaal, Cabdi Waraabe iyo Dheeg iyo weliba qaar kale.
Sidaa marka tirada saxa ah ee ka hadhay ay tahay ayaa Suleiman gaal xeer aan la garanayn meel uu kala yimi oo jeebadiisa ah ayuu ku istic maalay golihii guurtida in uu dhaxal tooyo noqdo. Ka sii daran ee dadka lagu soo bedelay waxay u bateen caruur iyo nooc aan aqoon lahayn

oon wax baran oo iska suuq joog ahaan jiray. Meel ay distoorka kaga taal in guurtidu is dhaxashaa ma jirto. Hadii kale golaha wakiilada iyo madaxtooyadanu dhaxal tooyo ayay noqon la haayeen. Golihii guurtida ee heybada lahaa markii shiekh Ibrahim hogaaminayay horta Suleiman gaal ayaa ka dhigtay goob uu isagu leeyey oo yidhaa reerku biilka ha qaato ee mid ku soo bedela kii dhintaba. Markuu sidaa Suleiman gaal u kharibay golihii ayaa hadana shaqadii goluhu noqotay mid aan bulshada u adeegayn ee wax yeeleynaysa. Suldaan Wabar iyo Bari halaaga ka taagan midna guurtidu kamay hawl gelin. Hadana mushahar bay fadhiga ku qaataan. Waxay sheegtaan golaha uugu sareeya yaa salaam bal sida dadka caqliga looga xadayo eega. Golaha guurtida hadaad raadiso waxay qabtaan si fiican u fahmi kari meysid oon ahayn shaambad ay lacag xukuumadaha kaga qaataan oo mudada uugu kordhiyaan. Xisbiga UCID iyo Waddani kii kuriga ku guuleystaaba ummada ha ka qabto Golhan guurtida ee xaq darada meesha ku fadhiya ee Somaliland hagar daamaynaaya. Maanta xasilooni daradaa dalka ka jirta waxa masuul ka ah golha guurtida. Shicibka Somaliland wey hurdaan oo waa dad qaad cunis waqtigoodii ku qaatay ee waxay ahayd inay is weydiiyaan maxay guurtida tartaa. Maxay dalka khal-khal siyaasadeed uuga abuureysaa. Muxuu Suleiman gaal sadexda xisbi iyo komishanku waxay isla aqbaleen u diidayaa. Guurtida shaqadeedu waa maxay. Sharciga ay ku shaqeeyaan waa kee. Yaa u ogolaaaday inay is dhaxlaan. Maxay kaga duwan yiin haya’daha kale ee wadanka ka hawl gala ee aan is dhaxlin. Maxay guurtida oo keliyi isu dhaxashaa. Guurtida ma laga maarmi karaa. Maxaa loo bedeli waayay marka waqtigoodu dhamaado ee mar walba loogu cusboonaysiiyaa. Shicibyahow hurdaa toos oo wax is weydii waad dulmantay oo Suleiman gaal iyo guurtida iska qabo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com