Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wada hadalkii u socday labada dhinac ee xukuumada iyo Axsaabta Siyaasada ayaa maanta kulan lagu balan Sanaa in lagu qabto Huteel Maansoor laga soo raray kaas oo ka dhacay guriga madaxwayne ku xigeenka ayaa ilaa hada u muuqda mid Aanay waxba ka soo bixin.

Wada hadalkii u socday labada dhinac ee xukuumada iyo Axsaabta Siyaasada ayaa maanta kulan lagu balan Sanaa in lagu qabto Huteel Maansoor laga soo raray kaas oo ka dhacay guriga madaxwayne ku xigeenka ayaa ilaa hada u muuqda mid Aanay waxba ka soo bixin.

Agagaarka Guriga Madaxwayne ku xigeenka ayaa waxa Buux dhaafiyay Ciidamada kala duwan ee booliska kuwaas oo waardiye ka haya dhamaan wadooyinka soo gala guriga madaxwayne ku xigeenka waxaana ay yareyeen isku socda gaadiidka.

Gudid ubadan Wadaado oo doonayay in ay dhex-dhexaadiyaan labada garab ee isku haya Muddo kordhinta loosameeyay Xukuumada ayaa lagu gacan saydha sida uu soo sheegay wariye Mahad Xasan Xuseen geele oo Goobtaasi ku sugan,waxaana ay Axsaabta

mucaaradku doonayaa in ay dhex-dhexaadiso beesha caalamka halka Xukuumaduna Diidan tahay.

wararka hordhac ah ee ka soo baxayaa waxa ay sheegayaan in Xaalka wada hadalku uu adkaaday isla markaas labada garaba ismari wayeen taas oo sababtay in Culimada isa soo Xil-qaantay Gudaha u galaan.

Jawiga Guud ee shirkan ayaa siday cadaynayaan wararku u muuqda mid Aan natiijo wanaagsani ka soo bixi doonin madaama oo labada dhinacba Aanay muujin waxa tanaasul ah.

Shirkankan ayaa bilaabmay Labadii Duhurnimo ee Maanta ilaa hada oo Saacadu Marayso 7:30 Habeenimo Ayaan waxa go’aan ahi ka soo bixin,taas oo shirkan ka dhigaysa inaan waxa is fahan ah lagaadhin.

Saxaafada Ayaan iyada loo ogolaan in ay shirkaasi goob joog ka noqdaan taas oo adkaysay in Xaalka dhabta ah ee ka jira si rasmi ah loo ogaan, Gudaha goobta wada hadalku ka socdo.

wixii war ah ee ka soo kordha goor dhaw la soco…………………..

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com