Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddoomiye Saleebaan Oo Go’aanka Guurtida Ku Tilmaamay Mid Aan Ka Noqosho Lahayn.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Maanta kulan Layeeshay Safiirka Ingiirska u fadhiya Dalka Ethiopia.

Waftigan ayaa guddoomiyaha shir Albaabadu u xidhan yihiin layeeshay oo Aan warbaahinta loo ogolaan in ay goob joog ka noqdaan.

Shirkaasi markii uu soo dhamaaday waxa saxaafada la hadlay Guddoomiyaha Golaha Guurtida somaliland oo sheegay in Go’aan guurtidu yahay mid Dastuuri Ah oon ka noqosho lahayn.

Saleebaan Ayaan faah-faahinin Ujeedada ay kulankoodan iyo qodobada ay isla gadheen Wafigan ka socday Safaarada Dalka Ingiriiska.

“Qoladan waxaanu kawada hadalnay uun arimaha dalka ka dhacaya iyo qorshayaasheena,Dhinaca doorashooyinkuna somaliland ayay u talaa ee


iyaga beesha caalamka uma taalo.ayuu yidhi
Beesha caalamka oo lasheegay in ay ka cabanayso guddoomiyaha golaha guurtida ayuu ku jawaabay siiba isaga oo ah guddoomiyaha.

“Guurtida cidi kama cabanayso guurtiduna go’aan ayay gaadhay,go’aan laga noqdo iska dhaafe iyo waxaas aad sheegaysoo guurtidu go’aana waa gaadhay,shuurcda dalkan waa ka mid,wax walba way ka hadleen,war mawaxa aad goosateen intaad dhag walba igaga qaylisaan in wax iga soo duulaan,waxba igama soo duulayaan.

intaas waxa uu ku daray.”go’aankaas lagama Noqonayo waana go’aan guurti,waana go’aan baarlaman oo ah sharci qaran,anigu idin odhan maayo cidbaa wax ka noqonaysa iyo wax laga noqday ayaa jira,markaas guddoomiye go’aankaas may idin kala hadleen doorashada.”mooji waxa ay ka hadleen saw arimaha ay u yimadeen ka mid may ahayn.

Guddoomiye saleebaan ayaa diiday waftigan ka socda beesha caalamka inuu ka hadlo ujeeda ay ugu yimadeen oo dhaafsiisnayn Arimaha doorashooyinka,faah-faahina kamuu bixin Talooyinka iyo Qodobada ay isla gadheen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com