Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xogaha Rasmiga Ah Ee Ka Soo Baxaya Go,Aano Saddexda Xisbi Qaran Ay Isla Qaateen Iyo Caqabadaha Sababey Kala Kaca Deg Dega Ah Ee Kulankii Caawa.

Xisbiyada Mucaaridka Somaliland Iyo Xukuumada Talada  Haysa Ayaa Waxaa  Ilaa Maanta Galinkii Danbe U Socdey Wado Hadalo Ku Adaan  Murankii Ka Dhashay Go,Aankii Golaha Guurtidu Muddo Kordhinta Ugu Sameysay Xukuumada Talada Haysa

Wada Hadaladan Oo Qaatay In Muddo Ah  Isla Markaana Ay Saxaafadu Dib Joog Ka Aheyd  Ayaa Waxaa Uu Ka Socdey Aqalka Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland  .

Markii Ay  Uu Soo Dhamaadey Wada Hadalkaasi  Waxaa Warbaahinta La Hadley Gudoomiyaha Xisbiga Wadani , Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeen Ee Xisbiga Ucid  Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye .

Gudoomiye Ciro Oo Isagu Warbaahinta Ugu Horeyn La Hadley Waxaa  Sheegey In Wada Hadalkaasi Uu Burburey Isla Markaana Wax Natiijo Ah Oo Laga

Gaadhey Aaney Jirin Uguna Baaqaayo Dhaaman Cid Kasta Oo Arintani Xal Ka Geysan Kartaa In Ay Soo Kala Dhex  Gasho Xalkana Ay Diyaar U Yahiin .Sidoo  Kale Maxamed Kaahin  Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye Iyo  Cabdirashiid Xassan Mataan Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeen Ee Xiabiga Ucid Oo Iyaguna  War-Baahinta La Hadlay Waxaa Ay Sheegen  Hadalo  Ka Duwan Ka Gudoomiye Ciro Uu U  Sheegay Warbaahinta  Waxana Uu  Ay Tilmaamay In Wada Hadalkaasi  Aan  Lagu Kala Kicin Balse  La Isla Qaatay Go,aano   Aan Loogu Talo Galin In Warbaahinta Wakhtigan Xaadirka Ah Loo Soo Bandhigo

Hadaba Xogo Rasamiya Oo Hadhwanaagnews Ka Helayo Ilo Xog Ogaal Ah Oo Ka Ag Dhaw Arintani Waxaa Ay Sheegen In    Laga Noqdey   Go,aankii Guurtida  Balse   Lagu Kala Duwanaadey Wakhtiga Warbaahinta Iyo Shacibiga Somaliland Loo Bandhigaayo  Iyada Oo Xukuumadu Ku Doodey In Aan Go,aankaasi Lagu Dhawaaqin Ilaa Inta Golaha Guurtida Lagu Soo War Galinayo  Lagana Soo Qaadanaayo Ogaalansho Ah In Go,Aankooda Laga Noqonaayo

Balse Soo Jeedintaasi Ayaa Waxaa Ku Gacan Seydhay Gudoomiye Ciro Oo Isagu  Ku Dooday In Go,Aankan La Isla Qaatey Warbaahinta Iyo Shacbigaba  Loo Soo  Bandhigo  Lana  Cadeeyo Ka Hor Inta Aan Golaha Guurtida Loo Tagin .

Xisbiga Kulmiye  Ayaa Waxaa  Uu Isna Ku Doodey In Go,Aanka Aan Hada Lagu Dhawaaqin Ilaa Inta Golaha Guurtida Loo Geynaayo Laguna Soo Wargalinayo Halka Xisbiga Ucid La Sheegayo In Go,Aankaasi Xisbiga Kulmiye Uu U Xagliyey .

Soo Jeedinahaas Kala Duwan Waxaa Ay Sabab  U Noqotey In Xisbyada Mucaaridka  Iyo Xukuumada Ay Ku Kala Kaceen Wada Hadaladaasi  Wax Rajo Ahana Aanu Ka Soo Bixin .

Sidoo Kale Xogaha Ay Hadhwanaagnews Helayso Waxaa Ay Sheegayaan In Wakhtiga Doorashooyinka Somaliland Ee Ay  Isla Qaateen Xisbiyada Mucaaridku  Iyo Xukuumadu Ee  Ee Aan Wali Sida Rasamiga Ah  Loogu Dhawaaqin Ay Tahay Inta Lagu Gudo Jiro Sanadka 2016

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com