Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dawladu Markii Hore Ayaa Ciro Ku Magacawday Sharci Daro Sidaa Awadeed Maanta Runtaba Uma Sheegi Karaan”………. Xildhibaan Jaamac Riyo

Xildhibaan Jamaac Faarax Axmed (Jaamac Riyo) oo ka mida mudanayaasha aqalka Golaha Guurtida Somaliland oo Maanta Waraysi Khaasa Siiyay Shabakada Hadhwanaagnews.com ayaa waxa uu kaga hadlay aragtidiisa ku aadan Go’aanka Golaha Guurtida Somaliland iyo Beesha caalamka Xildhibaan Jamaac Faarax Axmed (Jaamac Riyo) oo arimaahaas Si Faahfaahsan uga hadlayaa waxa uu Yidhi “ Beesha Caalamku Aniga Xagayga Kama Jirto haday beesha caalamku ku shaqaynayso cadaalada xuquudayda ayay soo saari lahayid bari hore, qorshahan maanta la isku haystaan waa mudo kordhinta, Mudo kordhintuna waa waxa dastuurku dhigaayo Gurtiduna Waajib Dastuuri ah ayay Gudatay.

Murankan Siyaasadeed Anuu Waxaan Eedaynayaa Dowladan Fidisay Gogosha Siyaasadeed Waayo intaas oo sanadood ayaa la kordhiyay oo sharci ah oo muran siyaasadeed muu

iman jirin Dowladuna maanta waxaan Ciro Ugu Dhacyin Marka Hore ayay ku magacawday Dhagar .

Waxaana lugu magacabay si sharci daro ah sidaa awadeed Runtaba uma sheegi karaan oo isagii ayaa sir ka haya Dawlada Beesha Caalamkan Waxaan Leeyahay ka Shaqee Danahaaga Somaliland shaqo kuma lihide .

U jeedka ay beesha caalamku inugu dhex meeraysanayso waan garanayaa oo maamul gobleedad somalida ayaa la isla sugayaa waxaan taas yiqiin u ah habeenkii uu ciro ku baaqay mudaharaadka xasan sheikh waxa uu yidhi hala taageero mudaharaadkaas .

Sidoo kale mar aanu waxa ka waydiinay Xildhibaan Jamaac Faarax Axmed (Jaamac Riyo) Go’aanka uu xisbiga Wadani ka Qaatay Mudo Kordhinta ay sameeyeen Golahooda Guurtidu Waxa ay ka qabaan Gole ahaan Waxa uu Yidhi “ Xisbiyada Mucaridka ahi Gonafka ha ku dhuftaan ama ha iska daayaan anaga Go’aanka Golaha Guurtidu Waa Mid Meel Maraaya Mana ahaanaayo mid laga noqonaayo haday la isku dayo in la faro galiyay Go’aanka Guurtida Sharciga Dalka Oo Dhan ayaa Baaba’aya

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com