Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Gudoomiyaha Guurtida Oo Ganafka ku Dhuftay Heshiiska Saddexda Xisbi iyo Xukumadda

Gudoomiyaha aqalka odayaasha Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ganafka ku dhuftay heshiiska saddexda xisbi qaran iyo xukumaddu iskula qaateen in laga noqdo go’aankii guurtidu Madaxweynaha, kuxigeenkiisa iyo wakiilada ugu kordhisay muddo xileedka 22-ka bilood ah, islamarkaana laga dhigay in doorashada la qabto badhtamaha bisha December 2016-ka.

Waxa uu sheegay in go’aanka muddo kordhineed ee golaha guurtidu yahay mid sharci ah islamarkaana aan ka noqosho lahayn “Waxaanu maqlaynay in saddexda gudoomiye ee Axsaabta qaranku ay isku raaceen inay doorasho qabanayaan bisha December ee sanadka 2016-ka. Ma ogin sharciyad asxaabta siinaya muddo kordhin. Muddo kordhinta hay’adda qudha ee dastuuriga ah ee qarankan wax kordhin kartaa waa golaha guurtida. Golaha guurtiduna doorashada waxay ka dhigeen bisha March ee 2017-ka. Madaxweynaha iyo Komishanka qaranku bisha March ee loo cayimay meesha ay ka dhigayaan maalinta doorashada waa u fasax laakiin cid kale oo dastuurku xaq u siiyay muddo kordhini ma jirto” ayuu yidhi Gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland

Gudoomiye Saleebaan oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Xukumadda maanta joogta ee Madaxweynaha uu ka yahay Siilaanyo, tii hore waxay kaga eeg tahay 27-ka July 2015, haddii ay doorasho qaban kari waayeen, wixii sharciga iyo dastuurku bixiyeen waxa weeye in loo hogaansamo go’aanka golaha guurtida, sharciyadda qaranku waa kaas” ayuu yidhi Gudoomiyie Saleebaan

Gudoomiyaha Guurtida ayaa farriin u diray shacabka Somaliland “Umadda reer Somaliland waxaanu u sheegaynaa in sharcigii qaranku kaas yahay, awooddana golaha guurtidu leeyahay, qaranna wuxuu ku dhaqmaa waa sharciyad, Allahayow sharci la’aan hana badin uu ninkii doonaaba samaysanayo awood uu sharciga ku maroorsado, waxa weeye doorashadii 27-ka March 2017-ka” ayuu yidhi Gudoomiye Saleebaan.

Dhinaca kale xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye(Gacan), ayaa soo dhaweeyay in laga noqdo go’aanka guurtida oo uu sheegay inaanu marka horeba la dhacsanayn. Waxa uu bogaadiyay heshiiska la iskula qaatay in muddo kordhinta wakhtiga dheer ah lagaga noqdo.

Xildhibaan Gacan waxa uu sheegay inaanay hore u dhicin in go’aan guurtidu samaysay laga dabo tago balse hadda go’’aankani ahaa mid lagu degdegay “Horta golaha guurtidu go’aan uu sameeyay waligii lagama daba tagin, xataa madaxweynuhu ma saxeexo ee sidaas ayuu ku dhaqan galaa oo ku socdaa go’aanka guurtidu laakiin doorkan waanu degdegnay, golaha guurtidu wuu degdegay” ayuu yidhi Xildhibaanku.

Xildhibaan Gacan ayaa qaadashada go’aanada noocan ah ku tilmaamay mid aan dhaqan u ahayn guurtida ”dhaqan aanu lahaan jirnay maaha waxa walba anaga ayaa xalin jirnay oo arinkasta meeshiisa ugu tagi jirna,taasna maanta hadii mar dib looga soo noqday oo dibna loo dhigay wax umada iyo Axsaabtu ku raali tahayna ladhigay taana hambalyo ayaanu leenahay,” ayuu yidhi Xildhibaan Gacan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com