Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Fadhi wadda Jir ah oo ay yeelan lahaayen Labbada Golle ee Guurtida iyo Wakiilada maanta oo Sabti ah Kuna Ansixin lahaayen Guddoomiyaha Maxkamada Sarre Aadan Xaaji Cali Ayaa Baaqday.

Fadhi wadda Jir ah oo ay yeelan lahaayen Labbada Golle ee Guurtida iyo Wakiilada maanta oo Sabti ah Kuna Ansixin lahaayen Guddoomiyaha Maxkamada Sarre Aadan Xaaji Cali Ayaa Baaqday.

Warar Xogogaal ah oo Wargeyska Waaheen helay ayaa Sheegaya in uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) uu Labbada Golle ka Codsaday in ay Fadhi wada jir ah isku yimaadan Maanta oo Sabti si ay u Ansixiyaan Guddoomiyaha Maxkamada Sarre, Balse Codsigaasi ayaa waxa la sheegay in uu ka Horyimid Guddoomiyaha Gollaha guurtida Saleeban Gaal oo ka Cudurdaartay in uu golihiisa uu iskugu yeedhi karo Sabti waxaanu sheegay in muddo Todobaad ah hawlo uu ku jiro, isla Markaana aanay Surto galayn in Fadhigaasi uu Qabsoomo.

Illaa Hadda lama garanayo Sababta uu Guddoomiye Saleeban uu u diiday Dalabka Madaxweynaha basle warar hoose ayaa sheegaya in arrintan la xidhiidho Khilaafka Siyaasadeed ee u Dhexeya Xukumada iyo Gollaha Guurtida oo ka dhashay Muddii ay Gollaha Guurtidu Kordhisay ee ay ka Noqdeen Xukumada iyo xisbiyadu.

Warar kale ayaa Sheegaya in aanu madaxweynuhu ku Qancin Cudurdaarka Saleeban balse uu dhan kale uga wareegay illaa hada lama Garanyo dhan ka kale uu madaxweynuhu uga wareegay.

Ilo Xogogaal ahi Waxay Sheegayaan in Xukumadu Doonayso in Todobaadkan Gudihiisa gaar ahaan Maalinta Arbacada la Ansixiyo Guddoomiyaha Maxkamada Sarre.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com