Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xukuumada Somaliland Ayaa Waxaa Ay Dib U Fasaxdey Qaxoontiga Ka Imanaya Dalka Yamen Ee Soomaalida ah Ka Dib Markii Ay Toddobaadkii Hore Ay Sheegtey In Aaney Somaliland Qaabili Doonin Qaxoontiga Soomalida ah Ka Soo Caraaraya Dagaalada Ka Socda Dalka Yamen .

Xukuumada Somaliland Ayaa Waxaa Ay Dib U Fasaxdey Qaxoontiga Ka Imanaya Dalka Yamen Ee Soomaalida ah Ka Dib Markii Ay Toddobaadkii Hore Ay Sheegtey In Aaney Somaliland Qaabili Doonin Qaxoontiga Soomalida ah Ka Soo Caraaraya Dagaalada Ka Socda Dalka Yamen .

Sidaasna Waxaa Lagu Sheegay Shir Jaaraa’id Oo Ay Maanta Si Wada Jir Ah U Qabteen Wasiirada Wasaaradaha Arimaha Gudaha , Dib U Dejinta , Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Caafimadka Iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Arimaha Bulshada .

Ugu Horeyn Waxaa Halkaasi Ka Hadley Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade Waxaana Uu Cadeeyey In Maanta Laga Bilaabo Xukuumada Somaliland Ay Cadeynayso In Ay Dib U Fasaxeyso In Ay Dalka Soo Gaalan Qaxoontiga

Ka Imanaya Dalka Yeman Ka Dib Markii Ay Wada Hadalo La Yeesheen Haayada Qaxoontiga U Qaabilsan Qaramada Midoobey Ee (UNHCR) Iyo (IOM) Iskuna Af Garteen In Qaxoontigaasi Ay Ka Soo Degaan Dekada Berbera Isla Markaana Loo Sii Qaado Deeganada Ay U Dhasheen.

Sidoo Kale Wasiirka Wasaarada Dib U Dajinta Somaliland Mudane Cali Siciid Reygal Oo Isna Dhiniciisa Halkaasi Ka Hadlay Ayaa Waxaa Uu Isna Tilmaamay In Dadkani Qaqxoontiga Ah Marka Ay Ka Soo Degaan Dekada Barbera Ay Qaabili Doonaan Haayadaha Ku Shuqul Leh Arintan Isla Markaana Loo Sii Gudbin Doono Deeganada Ay Ka Soo Jeedaan
wariye ayaan
maantasomaliland
hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com