Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo hogaaminaaya wefti balaadhan ayaa galabta gaadhay magaalo madaxda gabolka Saaxil ee Berbera daawo muuqaalo

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo hogaaminaaya wefti balaadhan ayaa  galabta gaadhay magaalo madaxda gabolka Saaxil ee Berbera safarkan ayaa ah mid muhiima oo madaxweynuhu xadhiga kaga jari doono mashaariic horleh oon hore dalka u soo marin loogana hirgelin oo ay ka mid yihiin xarunta shaybaadhka ee shidaalka dalka soo gala, iyo kuwo kale oo badan, halka la filaayo in madaxweynuhu uu dhagax dhigo mashaariic kale.

Madaxweynaha waxa si weyn loogu soo dhaweeyey iyada oo ay maamulka gobolka saaxil kaga horyimaadeen Dacar-budhuq, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa si diiran loogu soo dhaweeyey Dacar-budhuq, Abdaal ilaa degmooyinka iyo tuulooyinka u dhexeeya berbera iyo Hargeysa, safarkan madaxweynaha ayaa ah mid qiimo weyn ugu fadhiya gobolka saaxil iyo guud ahaan dalkaba marka loo eego horumarka


dalka ka socda gaar ahaan ka gobolka saaxil oo ah mid ay mahadiyeen dadweynaha gobolka saaxil intii uu talada dalka hogaaminaayey madaxweyne axmed maxamed Silaanyo.

 

iyadoo uu gobolku nasiiib u yeeshay hogaamiyeyaal waxtar leh oo madaxweynuhu wixii uu faro hore ka fuliya marka loo eego maamuladii kala duwanaa ee soo maray iyo kuwa hada gacanta ku hayaba gobolka oo ku sifoobay waxqabad muuqda iyo dhiiranaan.

Marka loo eego waxqabadka ka qabsoomay Dekeda berbera mudo gaaban oo lagu dhamaystiray fidinta iyo balaadhinta dekeda, iyada o qaybe kalena socdaan hada, Dawlada hoose ee berbera oo iyaduna ka dhex muuqatay bilicda magaalada berbera iyo laamiyo tayo leh oo qarniyada soo socda la mahadin doono.

waxa iyana xusid mudan oo horumarka haamaha shidaalka berbera oo mudooyinkii u danbeeyey ku sii biiray bilicda iyo horumarka gobolka saaxil oo sidaan ku xusay xaga sare markii u horaysay dalka ka hirgelisay shaybaad lagu ogaanayo caafimaadka shidaalka baabuurta  si aanay dalka u waxyeelayn baabuurtuna u nabadgasho, iyada oo horena u hirgelisay dib u dhis iyo balaadhin ay ku samaysay xarunta guud ee kaydka haamaha.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com