Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa soo dhaweeyey go’aanka Saddexda Xisbi isku raaceen ee ku saabsan muddo kordhinta

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa soo dhaweeyey go’aanka Saddexda Xisbi isku raaceen ee ku saabsan muddo kordhinta loo sameeyey Xukuumadda, waxaanu tilmaamay inuu go’aanka Guurtidu yahay Dastuuri balse Madaxweynuhu uu soo saari karo Digreeto uu kaga soo horeeysiin karo Doorashada muddo kordhinta Guurtida.

AHMED-YUSUF-YASIN

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale ka hadlay sababta keentay muddo kordhinta Xukuumaddihi dalka u kala dambeeyey,

“Waxaan marka hore Saddexda Xisbi iyo Xukuumaddaba ku hambaliyeynayaa, go’aanka geesnimada leh ee ay qaateen, kaas oo ahaa mid uu Qaranku u baahnaa, oo ah mid geesnimo ah iyo tawaqiif ILLAAHAY ina waafajiyey, ka Umad ahaan, ka Dawlad ahaan iyo ka Xisbi ahaanba, waana wax ILLAAHAY loogu mahadnaqo, oo dhammaanteenba aynu ku mahadnaqno madaama aynu leenahay cadaw fara badan, oo inagu xeeran, gudde iyo dibadaba”.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland ayaa isaga oo ka hadlay go’aankii Guurtida waxa uu yidhi “Ta Guurtida waxa ay noqonaysaa meel aan la dhaafi karin, dabcan kordhinta Guurtidu waa Dastuuri, laakiin Madaxweynuhu wuxuu sameeyn karaa Digareeto uu kaga soo horeeysiin karo ka horna Madaxweynuhu Doorasho uu qaban karaa, ta Guurtidu waxa ay noqonaysaa meel aan la dhaafi karin, oo matalan haddii bil ama laba bilood dib loo dhaco, waxa ay haystaa wakhtiga ay sharciyadu ina siinayso, Tusaale ahaan Guurtidu wax ayey go’aamisay, laakiin Madaxweynuhu waxa uu soo saari karaa wakhtigaas wakhti ka horeeya sida 25 December oo kale, ta Guurtidu waa Dastuuri oo waxaana la haystaa wakhti lagu ciyaaro, si aanay Doorashado dib ugu dhicin,markaas waxa aan leeyahay waa arin ay Somaliland ku faanto inaynu arimaheena ku dhamaysano wada tashi iyo isku tanaasul”.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland ayaa mar aanu wax ka weydiinay sababta keentay in Xukuumaddihii taladda dalka soo qabatay oo dhan muddo kordhin loo sameeyo, oo Xukuumaddii uu ka tirsananaa ay ka mid ahayd ayaa ku jawaabay “Waxa sabab u ah oo waxaas oo dhami Diiwaangelinta weeye, waxaana ku talinayaa Diiwaangelin waa in la helaa Diiwaangelin rasimya, waa in la sameeyo oo la abuuraa Xafiiskii Diiwangeliyaha Guud ee Qaranka, waa in Diiwaangelintaasi ku jiraan xog kaydiye ay Somaliland gacanta ku haysaa, oo Ajaanib gacanta ku haynin, waa inuu ahaada Diiwaangelin qofka qaandhaagaya uu tago oo kaadhka la siinayo, kii waafaday (Dhintayna), la geeyo Warqadii wafaadka sidaasna lagaga saaro, waa inuu jiraa Xafiiskaasi, oo uu ahaada mid rasimya oo aan waligii guurin, waxaynu kaga baxayna muddo kordhin dambe oo soo noq-noqota”.

Axmed Yuusuf Yaasiin maruu ka hadlaayey Xukuumaddihii dalka u kala danbeeyey iyo mid walba marxalada ay soo martay ayaa yidhi “Maamul walba waxa uu leeyahay duruufihiisa u gaarka ah, wakhtigii Jabhaha waxa jiray duruufo gaar ah,markii la soo galay waxa jiray duruufo gaar ah, wakhtigii Cigaal waxa jiray duruufo gaar ah, oo hubka ayaa la dhigaayey, wakhtigaygii duruufo gaar ah ayaa jiray oo waxa ay ahayd wakhtigii kala guurka, ee Doorashooyinka la xalaaleynayey Xisbiyadana la badinaayey, duruufuhu wey badan yihiin, markaas Maanta in la wada hadlo ee Somaliya lala hadlo, waa mid gar ah oo aynu u baahan ahay, waxaanada hadda mooda inay cakiran tahay, kolay se dhinaca kale ayaa looga wareegi doonaa, waxaana guud ahaan Somaliland u rajaynayaa bash-bash iyo barwaaqo”. La soco cadadka beri aragtida Axmed Yuusuf Yaasiin ee sida ay Somaliland aqoonsi ku heli karto

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com