Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

La taliyaha madaxweyne Siilaanyo ee gobalada bariga Md. Fu’aad Aadan Cadde, ayaa isagoo ku jira cisbitaal ku yaala wadanka Turkiga, wuxuu ka waramay xaaladiisa caafimaad iyo weliba cidda gacan ka gaysatay inuu wadanka Turkiga gaadho dhaqaale ahaan iyo socdaal ahaanba.

u_107573d_2013-8-11-8-43-19f_fuaad-aadan-cade10La taliyaha madaxweyne Siilaanyo ee gobalada bariga Md. Fu’aad Aadan Cadde, ayaa isagoo ku jira cisbitaal ku yaala wadanka Turkiga, wuxuu ka waramay xaaladiisa caafimaad iyo weliba cidda gacan ka gaysatay inuu wadanka Turkiga gaadho dhaqaale ahaan iyo socdaal ahaanba.

Fuaad-Aadan-Cadde

Md. Fuaad Aadan Cadde, wuxuu sheegay in dhaqaalaha uu ku safray iyo Baasaaboorka uu ku socdaalayba uu bixiyay Madaxweyne Siilaanyo balse markii ay diyaaraduhu diideen uu diyaaradda Ethiopian Airlines inay qaado u soo dhameeyay siyaasiga Cali Ciise Cabdi.

Ugu horayn Fuaad Aadan Cadde, oo uu Geeska Afrika weydiiyay xaaladiisa caafimaad wuxuu yidhi “Aad baan u fiicanahay waanan wanaagsanahay, wadanka Turkiga ayaanan joogaa oo Cisbitaalkii ayaan ku jiraa, waanan fiicanahay.”

Waxa uu Geeska Afrika, Fuaad Aadan Cadde weydiiyay cidda bixisay lacagta uu ku safray ee uu Turkiga ku gaadhay, waxaanu yidhi “Lacagta Madaxweynaha ayaa bixiyay, fiisaha iyio Basaboorkana waxa keentay wasaaradda khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis iyo shaqaalihiisa, caawimada hadhay maxay tahay hadday intaasba dawladu keentay.?” Sidaas ayuu ku jawaabay Fuaad Aadan Cadde.

Fuaad oo uu Geeska Afrika su’aalay waxa ka jira wararka sheegaya inay dhaqaale ahaan u caawiyeen hoggaamiyaha maleeshiyaadka Khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo siyaasiga kale ee ay isku mabda’a yihiin ee Cali Ciise Cabdi, wuxuu ku jawaabay “Cali Khaliif markaan idhi diyaaradihii way I diideen ee maxaa tallo ah Xamar isagoo jooga, Xamar kaalay ayuu yidhi dabadeedna halkan [Xamar] ayaanu diyaaradada Turkiga kaa saaraynaa, dabadeedna Wiil ayaa ka xanuunsaday oo deg deg ayuu u dhoofay. Cali Ciise Cabdi ayaan la xidhiidhay, markaas Cali Ciise ayaa diyaaradihii markii hore I diiday ee Ethiopia soo dhammeeyay. Khaatumada iyo waxan la sheegayana, Khaatumo-nimo ulamaan xidhiidhin, nimanka saaxiib ayaanu nahay, arday ayaanu isku ahayn intaas oo dhan, ilmaadeer baanu nahay, khaatumadan lala soo ordayo anigu warkeeda ma hayee, niman aanu saaxiib nahay ayaan la hadlay, saaxiibtijmo ayaanay wax iigu dhamaynayeen.”

Fuaad, wuxuu Geeska Afrika weydiiyay bal inuu jiro dhaqaale ay ku caawiyeen Cali Khaliif iyo Cali Ciise, waxaanu yidhi “Koob shaaha midna iima shubin, dayuuradda ayuu dhameeyay Cali Ciise, laakiin midna koob shaaha iima shubin.”

Ugu dambayn waxa uu bulshada reer Somaliland Fuaad u soo diray farriintan waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin, waan nabad qabaa, Alle waxaan ka baryayaa wadanka oo nabad qaba iyo anoo si fiican u soo kabmay inaan isu nimaadno saaxiibtimadeenii iyo wax qabadkeenii halkeenii aan ka wadano, hala isul qaato oo hala samro.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com