Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xukuumadda Somaliland Oo Dib U Fasaxday Qoxoontigii Somalia Ee Ka Soo Degayay Dekeda Berbera

Wasiirka Dib u dejinta Somaliland Cali Siciid Raygal, ayaa ku dhawaaqay in dib loo fasaxay qaxoontiga u dhashay koonfurta Somalia kadib markii dhawaan xukumaddu mamnuucday qaxoontiga koonfurta u dhashay ee Somaliland soo gaadhaya.waxa uu sheegay in hadda laga bilaabo ay sidii caadiga ahayd u iman doonaan doonyaha iyo maraakiibta sida qaxoontiga Somalia.

Wasiirka arrimaha gudaha oo ay weheliyaan wasiiro kale ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqay inaan Somaliland qaabili doonin dadka u dhashay koonfurta Somalia ee ka soo cararaya dagaalka yemen. Waxa uu sheegay in hay’addaha ku shaqada leh qaxoontiga iyo wadamada caalamku diideen inay taakuleeyaan dadka islamarkaana Somaliland aanay u taag hayn.

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Waran Cade ayaa sheegay inay hadda fasaxeen qoxoontiga Somalida ah ee ka soo cararay dagaalada Yemen“siddii aad la socoteen hore waxa aanu u sheegnay inaanu hakinay imaashaha dadka Somalida ah ee ka soo cararay dagaalada Yemen ,laba sababoodba waa loo hakiyay,xagga amniga oo loo baahday inaanu isla kaashano caalamka.Ta labaadna waa inaanay haayada qoxoontigu wax kaalmo ah ka gaysan dadkaasi ,hadda waxa aanu wada kulanay haayadihii caalamiga ah ee ku shaqadda lahaa,siddii loo maarayn lahaa dadkaa masaakiinta ah ee yemen ka imanaya dalkoodiina loo gaadhsiin lahaa,in wixii kharashaad ah ee dalkoodii gaadhsiinaya ay bixiyaan hayadaha qoxoontiga iyo waliba dadka reer Somaliland ee gacan ka gaysan karaya ay ka gaystaan”ayuu yidhi wasiirka arimaha gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Warancade.

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Warancade waxa uu sheegay in dhaqaalihii loogu talo galay qoxoontiga Somaliyeed ee ka soo cararaya dagaalada Yemen Somaliya oo lagu soo hagaajiyay ay musuqmaasuqday“waxa aan doonayaa inaan umadda u sheego in qaramada midoobay ay lacag ku bixisay siddii dadkaa loo daad guran lahaa ee dhulkooda loo gayn lahaa,lacagtaa waxa loo dhiibay dawlada Xamar,dawladaasi way musuq maasuqday ,taasina waxa aanu u aragnaa masuuliyad darro ay sameeyeen dadka Reer Somaliya”ayu yidhi wasiirka arimaha gudaha Somaliland.

Wasiir Cali Siciid Raygal ayaa sheegay in hay’adda qaxoontiga aduunka ee UNHCR iyo Hay’adda socdaalka dunidu soo gaadhsiiyeen qoraalo rasmi ah oo ay ku balan qaadeen inay dadkaasi taakulaynayaan islamarkaana kafaalo qaadayaan inay gaadhsiiyaan degaanada koonfureed ee ay u dhasheen.

“Qoraal rasmi ah oo ayaa nooga yimid hayada qoxoontiga caalamiga ah UNCHR iyo socdaalka aduunka IOM oo ay noogu sheegayaan inay wax nagala qabanayaan isla markaan dadkaasi ku taakulaynayaan”ayuu yidhi wasiirka dib u dajinta Somaliland Md Cali Siciid Raygal.

Wasiirka dib u dajinta Somaliland Md Cali Siciid Raygal waxa uu sheegay inay dawlada muqdisho siyaasadaysay dadka qoxoontiga ah ee ka soo qaxaya dagaalada Yemen“Dadka reer Somaliya ayaanay siyaasadaynin qoxoontiga”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com