Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

XILDHIBAAN C/QAADIR ISMAACIIL JIRDE OO BOOQASHO KUJOOGA DALKA MARAYKANKA(SAWIRO).

Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Barlamaanka Somaliland Xildhibaan Abdil-Qadir Ismail Jirde oo Booqasho ku jooga dalka Maraykanka ayaa dadweynaha Somaliland ee ku dhaqan dalkaasi Maraykanka gaar ahaan Gobalada TN iyo OH kala qayb galay dabaaldaga xuska 18th May.

Xildhibaan A-Qadir Ismail Jirde oo ku yimi dalka Maraykanka martiqaadyo uu kahelay Jaaliyadaha Somaliland ee ku nool dalka Maraykanka.

Waxa uu hadalo ka jeediyay xaflado lagu kala qabtay magaalooyinka Nashile iyo Columbus, Xildhibaanku waxa uu ku horeeyay magaalada Nashilve ee gobalka TN halkaasoo uu kamid ahaa marti sharafeed kii lagu lagu marti qaaday inay ka hadlaan xaflaadi xuska 24th ee JSL.

 

Waxaa xildhibaanka ku weheliyay xafladaasi marti sharafeed kale oo ay kamid ahaayeen Dr Adna Adan Ismail iyo Professor Scott Peg.

Waxaa qado sharafeed u sameeyay xildhibaanka Jaaliyada Somaliland ee magaaladaasi Nashvile.

Xildhibaanku waxa uu kala qaybgalay xafladii ay Jaaliyada Somaliland ee gobalka Ohio u sameeyeen xuska 18th May; Xafladaasi oo ay hadalo kooban ka jeediyeen Xildhibaan Abdil-Qadir iyo marwo Fadumo Siciid.

Xildhibaanku waxa uu si xeeldheer uga waramay marxaladihii kala duwaanaa ee ay soo martay JSL intii ay jirtay.

Jaaliyada SL ee magaalada Columbus ayaa u sameeyay qado sharaf.

Xildhibaan Abil-qadir Ismail Jirde ayaa isagu ku guda jira booqashadiisa dalkaasi Maraykanka.

123456789101112131415161718

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com