Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

HADII AANU MADAXWEYNUHU KULA SOCON, HADALKA SALEBAAN GAAL MEEL FOG MA JIRO

saleebaan gaalMudo Kordhinta.
Guurtidu in ay gole dastuuriya ahaato waxa ka dhigey dastuurka, kuma fadhiyaan nidaamkii u dastuurku jideeyey in ay ku yimadaan, muddo kordhinta ay sameeyaana kuma cayina duruufaha u dastuurku baneeyey, weli Somaliland waxa ay muddo dheer awood u weydey in ay sharciyeeyaan qodobka muddo kordhinta marka ay arrimo farsamo caqabad ku noqoto doorashada, taas iyo arrimo kaleba waa awood daradda dawlada iyo goleyaasha labadaba. Ku dhaqanka sharciga ayaa weli aan horumar laga sameyn.

Haddaba, maanta hadii gudoomiyihhii guurtidu leeyahay waa lagama noqdaan, waxa markaas horta kula socda madaxweynaha hadii taas Salebaan Gaal ku adkeysto, waxaan hubaa in u iska yidhi hadii aan madaxweynuhu kula socon.
Markii ay Saleebaan kulmeen Safiirka Ingiriiska, waxa i soo gadhey in safiirku kula kaftamey Saleebaan, waakan dastuurkiinii aan gacanta ku sido halkee ayey kaga qorantahey awooda guurtidu u leedahey in ay kordhiyaan hadii aan masiibooyin iyo dagaalo jirrin, waxa u intaas ugu darey qodobka wadatashiga qaran markan in u ku haboonyahey xalku sida u tilamaameyo dastruuku.

Maxaase loola xisaabtami waayaa cida ay khuseysey hawlaha doorashada ee dayacey kelifeyna in ay dib u dhacdo, waxa muuqata in aan dawlad iyo goleyaalba weli Somaliland u bisleyn ku dhaqanka iyo hirgelinta doorashooyinku in ay mudadii la rabey ku qabsoomaan, sababtuna waa sii jecleysiga kursiga, xildhibaanada xitaa goleyaasha iyo dawladuba waa iskaga mid danaha ay ka leeyihiin dib u dhigista.

Waxa haboon in la dhiso jabhad shaqadeedu ku kooban tahey difaacda dimoqraadiyada Somaliland oo kii korodhsiimo soo qaadaba inqilaabta, kuna ilaalisa waqtiga la doortey goleyaasha degaanka, wakiilada, guurtida iyo dawladaba, kii waqtigu ka dhamaadona meesha ka saara ku meel gaadhna ugu dhiiba koox aqoonyahano, culimo iyo odeyaal xishooda oo diyaarsan oo ku sinta doorasho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com