Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Mareeyaha Dekeda Berbera Cali Xoor-xoor sharaxaada uu ka bixiyay Dhismaha Dekeda waxa uu ku xusey Mustaqbal ahaan qorshaha

Mareeyaha Dekeda Weyn ee Somaliland Eng Cali Cumar Maxamed(Cali xoor-xoor),ayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo),oo kormeer ku tagay Marsada Berbera qeybta labaad ee xiligan dhismuhu ku socdo faafaahin dheeraad ah ka siiyay siyaabaha loo kordhinayo Dekeda iyo qalabka loo istcmaaley,iyo waliba qorsayaasha iyo qaababka looga danleeyahay dhismahaasi.

Mareeyaha Dekeda Berbera Cali Xoor-xoor sharaxaada uu ka bixiyay Dhismaha Dekeda waxa uu ku xusey Mustaqbal ahaan qorshaha ay la damacsan yihiin dhismahan labaad ee ay xiligan gacanta ku hayaan isagoo, carabka ku dhuftey in muhiimada ugu weyni tahay in loo balaadhiyo

Gancasiga Somaliland iyo Itoobiya, taas oo fursad shaqo abuur ahi ugu jirto da,yarta iyo dhalinyarada Somaliland.

“Madaxweyne markey meeshani dhamaato waxaanu ugu talagalney, inaynu kula ganacsano walaalaheena Itoobiya,Wasaarada Maaliyada meel fiican ayay noo mareysaa howshaasina in ay si dhakhso ah inooga dhamaato ayaan fileynaa,waxaan rajeyneynaa in ay da,yartu shaqo badan ka heli doonto Gancasigaa Itoobiya, waxaan rajeyneynaa Dekeduna in aynu qabano intii aynu qaban karno howshii kale ee maalgalinta Dekeduna Gudidii aan kujirey,ee Wasiirada ahaa meel fiican ayay noo mareysaa”Ayuu yidhi Eng Cali Xoor-xoor.

Waxa kale oo uu ka hadley isagoo faafahinaya farsamo ahaan sida ay u wadaan dhismahan labaad,iyo nidaamka loo dhisayo muhiimada uu leeyahay Mustaqbalka awooda Dekedda.
“Madaxweyne qeybtan labaad ee Dekedda dhismaheedu waa laba higtar iyo badh,waanu ku tusi doonaa dhamaadkeedu wuxu qaadanayaa ilaa todoba cisho oo dambe,laakiin maanta waxa noo fursad ah inaad nala kulanto shaqadii oo socota oo aad aragto howshu baaxada ay leedahayna aad aragto,waxaan Madaxweyne kula socodsiinayaa howshan Shaqaalaha Dekeda ayuunbaa qabta ingineeradayada,farsamoyaqaankayaga,qalabka Dekedda,kuuliga(geelayaasha),iyo shaqaalaha weynaha,iyo anagoo ka maamula,marka hore waxa la dhigaa Madaxweyne 0.6(600cm,oo caro kaawe ah),oo isku jir ah(Sallect Matterial),oo aad u adag oo laga soo qodo haamaha shishadooda,waala garaacaa, waala kabidaa levelka ayaa laga qaadaa,culeyska ay qaadi karto cara kaawadaa ayaanu tijaabinaa,waxaanu dhignaa dabeeto shub shan iyo labaatan santi mitir ah(25cm)ah,oo aad u awood badan(Very high quailty),waxey ka hadhi doontaa mustaqbalka inteeda halkan joogta iyo inta ka dambeysaba,waxey labanlaabeysaa, oo ay sadex laabeysaa awooda Dekeda(Capacty of port),halkaa waxaanu ugu talagalney in kontiinarada halkan toos loo wada keeno dhamaantood markey halkani dhamaato”Ayuu hadalkiisa kusoo gunaanady Maareeyaha Dekedda Weyn ee Somaliland Eng Cali Xoor-xoor.
Mareeyaha Dekeda Berbera Eng Cali Cumar Maxamed,(Cali Xoor-xoor) waxa uu gunaanadkii hadalkiisa u rajeyay Dekedda Berbera in ay Mustaqbalka dhow noqon doonto halbowle Somaliland ka kaabi doonta dhinacyada koboca dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dhalinyarada, isagoo hoosta ka xariiqey in dhismaheedu ku dhamaan doono ul jiiftaa majabto.
Gabagabadii Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo),ayaa uga mahad celiyay Maamulka iyo hawlwadeenada Dekeda Berbera shaqada Dhismaha ah ee ay wakhti xaadirkan ku hawlan yihiin.
Dhinaca kale, Madaxweyne Siilaanyo mudadii uu ku guda jirey Kormeerkan waxa uu booqdey Xeryaha looga asteeyay Magaalada Berbera Qaxootiga Guulka ku ah Berbera ee kasoo cararey dagaalada ka socda Wadanka Yemen,kuwaas oo Madaxweynuhu ugu yaboohay deeq raashin iyo sharaab iyo cuno

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com