Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Mujaahid Ibraahin Xuseen(Dhegoweyne), oo ka tirsan siyaasiyiinta ku midaysan madasha wadatashiga iyo toosinta qaranka ayaa ku dooday in gabi ahaanba la baabi’iyay wixii umadda Somaliland hore ugu heshiisay loona baahan yahay in la iskaga yimaado lagana wada tashado aayaha Somaliland.

Mujaahid Ibraahin Xuseen(Dhegoweyne), oo ka tirsan siyaasiyiinta ku midaysan madasha wadatashiga iyo toosinta qaranka ayaa ku dooday in gabi ahaanba la baabi’iyay wixii umadda Somaliland hore ugu heshiisay loona baahan yahay in la iskaga yimaado lagana wada tashado aayaha Somaliland.

Mujaahid Ibraahin Dhegoweyne oo saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa Xukumadda dhaliilo culus u jeediyay “Wixii aynu yab-yabnay iyo qarankii aynu isku keenay wuu baaba’ay oo maana ma jiiro” ayuu yidhi Dhegoweyne.

Mujaahid Ibraahin Dhegoweyne oo wajigiisa cadho ka muuqato ayaa bulshada Somaliland waydiiyay cidda loo kordhinayo Muddo xileedka Xukumadda “Yaynu horta wakhti u kordhinaynaa?, bal cidda loo kordhinayaa intay umadda soo hor istaagto ha tidhaahdo ii kordhiya markaas baynu garan doonaaye, oo ha yidhaahdaan sababtaas iyo sababtaas iigu kordhiya waxaas baan doonayaaye. cid wax inaga doonaysaba ma garanayo anigu ee bal aynu aragno cida wax inaga doonaysa kolba Inan yari yaanu gidaar isku keen soo taagine” ayuu yidhi Dhego Weyne.

Mujaahid Dhegoweyne ayaa ku dooday inay jiraan dhibaatooyin baahsan “Waxaa baaba’ay wixii caddaalad la odhan jiray, maanta miyay caddaaladi jirtaa? Cid(Maxakamd) loo tagaa ma jirto maanta haday wax ka dhacaan. Sawirka dhabta ah ee ina hor yaal waxa weeye kaas ka muuqda dadka talada loo dhiibtay, Komishankii wax buu iskaga dhawaaqay Sharcina uma laha, Guurtida wakhtigu wuu ka dhamaaday oo sharci uma laha, saddexda Xisbi bal meeshay sharciga kaga qorantay maalintaas baa la kordhinayaa 26-ka June wixii ka dambeeya ha sheegeen, bal ciddii wax kordhisayba intay Saxaafadda timaado ha sharaxdo oo ha tidhaahdo sharciga halkaas ku qoran baanu tix raacnay oo wax ku kordhinay.

Cidda kaliya ee xaq u lahayd waxay ahayd guurtida laakiin, guurtidu waa tee? Ma caruurtan meesha lagaga tagay, waxaa loo baahan yahay guurti aynu soo dooranay laakiin niman 25 sannadood iska joogay meesha oo inankiisii yaraa bedelay, dee Odayadaynu soo dooranay qaar baa 15 sannadood aasan , waar Nin aan soo doortay baan rabaa inuu codkayga igu metelo maaha nin iska socda iyo nin yidhi waan dhaxlay caqli maaha waxaasi” ayuu yidhi Dhegoweyne.

Mujaahid Dhegoweyne, ayaa ku hanjabay inaanay jirin cid wax loo kordhinayaa marka la gaadho 26 June 2015-ka “26-ka marka la gaadho waynu iskugu iman, hore ayaanu u nidhi ama waynu kala tashan ama waynu wada tashan, ciddii khaladkaas yeelata hala ogaado, dalkani waxan ku socon maayee, ama waynu kala tashan oo Wallaahi dawlado yaryar baynu kala noqon , dadkaas oo dhan baa la rabaa in Mustaqbalkoodii nalagu hor cuno, ma soconayso oo tan waxbaa naga soo maray, kii Xamar ka yimid ee Afweyne la joogay nagu dul maamuli maayo, wixii umaddaasi ku soo dhimatay ee dadkii ku dhintay aanu garanayno ee wixii uu u baaba’ay ee uu u rogmaday aanu garanayno waa habeen xalay tagay in Inan yar oo xamar ka yimid iyo mid maqaaxi yar haystay ay nagu dul maamulaan…ma dhacayso waxa intaas loo dhintay ee loo joogay dibada ee loo dhaawacmay ee loo dhintay ee loo rogmaday ee loo agoomoobay, malaha dhalinyaradu garan maysee Magaalada Hargeysa guri kama taagnayn, guri aanu fadhiisanno ayaanu ka waynay maalintaanu soo galnay, maantana halkii in lagu celiyo baa la rabaa laakiin, ma soconayso, haddii Odaygu(Madaxweynuhu) Xanuunsanayo oo aanu waxba maamuli karayn dee ha la nasiyo ma caruurtiisa yaryar baanu dhegaysan karaynaa, waa la xisaabtami oo ta ugu xun baa lagu wada hadli haddii loo qaato in la iska fadhiyaayo” ayuu yidhi Mujaahid Dhegoweyne

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com