Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dhaqaalaheennu waa xoolo, waxa tirada xoolaheenna lagu qiyaasaa sidaan filayo 18 ilaa 20 milyan”Dr Sacad Cali Shire

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, ayaa ka hadlay heerka xoolaha nool ee Somaliland ka qaataan dhaqaalaha dalka iyo siyaabaha loo qiimeeyo.

Dr. Sacad oo ka qaybgalay kulan ka dhacay huteelka Maansoor ee Hargeysa maanta oo lagu qiimeeynayey mashruuca horumarinta caanaha xoolaha Somaliland oo la bilaabay sannadkii 2013-kii, waxa uu sheegay in khayraadka xooluhu ka yihiin 28% dhaqaalaha dalka ee sannadlaha ah, iyadoo la qiimeeyo ganacsigooda kala duwan.

Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Waxa laga yaabaa in aad iswaydiisaan marka la leeyahay xoolaheennu waxay ku soo kordhiyaan dhaqaalaheenna 28% sidee loo xisaabiyaa? Dhaqaalaha xooluhu ku soo kordhiyaan sannadkiiba waxa loo xisaabiyaa oo la qiimeeyaa; caanaha, subaga, hilibka aynu ka cunno, wixii aynu dibadda ka iibinno, waxa kaloo la qiimeeyaa inta inoo koradha xoolaha adhi, geel iyo lo’, kadibna intaas ayaa la isku daraa.”

Waxa kaloo uu ku baaqay in laga shaqeeyo horumarinta iyo sugidda tiro-koobka xoolaheenna, maadaama ay yihiin hantida keliya ee dalkeennu leeyahay.

“Dhaqaalaheennu waa xoolo, waxa tirada xoolaheenna lagu qiyaasaa sidaan filayo 18 ilaa 20 milyan, inkastoo aynaan muddo badan tiro-koobin, waxaynu u baahannahay in aynu tiro-koobno xoolaheenna, waayo waa hantideenna ama lacagta bangiga inoo taal, lacag kale oo bangi inoo taalaa ma jirto,” ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com