Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Sheeko Hummaag Ku Saabsan Dawlada Soo Socota Siday U Ekaan Doonto,Haday Timaadaba

Waxaynu u soo joognay waayo badan oo dusheena isku badalayay, hadana dhib mooye aan dheefbadan lagala kulmin. 1960 ayaynu hananay guushii intaynu jirnay ugu qarada waynayd, hase yeeshe waxay ku danbaysay guuldaro iyo gacmo madhan.1991 aya ku xigtay iyana maalin xasuusteeda leh yididiiladii naxashka saarnayd ay dib u soo noolaatay, waxa bulshadaas soo rafaaday e soo jabtay ku tashatay inanay aayahooda cid danbe u daba fadhiisan talona la wadaagin. Dawlad aya lagu dhawaaqay gugii sanadki1991,18may,Dawladii maalintaas la dhisay waxay maraysa gugii 24aad waxa isbadalay tiraba 4 madaxwayne,guga dhaw aya la sugaya in madaxwaynaha hada jooga loogu celiyo ama madaxwaynihii 5aad xilka loo xanbaarsho.Hadaynu tobankii gu ee u horaysay ka soo qaadno in lagu jiray colaado ka

dhashay ciidamadii soo dagalamay dhexdooda in la mideeyo lana dhiso dawlad dhexe oo reer somaliland oo dhami wadaagaan. Waynu qaadan karayna garawshiiyo buuxana waa loo hayaa xiligaas la soo maray. 15 sanadood ama gu ee u daneeyay waxa laga gudbay dhibaatooyin badan oon haba yaraatee jirin, neecawda nabada aya wadanka gabi ahaanba gaadhay.Waxay umadu saadaalinaysay hogaan ku hayaamiya hirar doog leh,hogaan u horseeda horumar la taaban karo.Taasi may dhicin waxay noqdeen ka soo horjeedkeeda, kamay talin danihii umadii soo dooratay waxay ka dorteen inay horumriyaan danahooda iyo ta qoyskooda, maaha qabiilkooda waxaynu ka hadlayna,
waayo qabiil kamaba shaqeyo Somaliland waxa ka shaqeeya waa qabyaalad kaliya oo ay ku danaystaan cadaankaas tirada yar een cidna naf u hayn.Dawlada soo socota waxa la dooran doona 5 sano laguna dhaarindoona waa haday doorasho qabsoonto,siday caadadu ahayd waxay ku biirsan doonan 3-2 sano inta u dhaxaysa murankaas aad hadaba maqlayso ayuunba ka hantiya. Waxa taas cadayn u ah shalay ragii ku dhaaranayay inanay maalin ku darsandonin mudoxileedkooda waa kuwaa hilmaamay ee hadaba korodhsaday ,maxaynu ka rumaysan doona mid bananka maanta jooga dhaartiisa saw tii hore ee beenowday uun lama mid maaha. Dhibkan ina daashaday waxaynu kaga gudbi karnaa kaliya inaynu garano siyaasiga inagu beerlaxawsanaya qabyaalad inuu cod kaaga helo mooyee aan cadiyad kale kuu hayn, waxba kuuma tarayso nin kulamida inad dharagiisa iyo madaxnimadiisa ka shaqaysid adigo gaajo iyo xanuun la liita,waliba ogsoon inaanu taada waxba ka tarayn. Hadaynu ka baxno qabyaalada laynagu dagayo waxa inoo furmi lahaa jid cusub oo wax ka badala shansano oo doorasho ah iyo laba ku darso ah, hadii kale halkaas auunbaynu yuururayna ilaa iyo inta suurta laga afuufayo…. waa qalinkii xuseen waraabe siiciid
JÖnköping
Sweden

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com