Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maxkamada Degmada Hargeysa Oo Xukuntay Nin Sheegtay Nabinimo

Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Maxkamada degmada Hargeysa, ayaa maanta xukuntay nin lagu helay inuu sheegtay nabinimo oo magaciisa la yidhaahdo Shariif Cabdi Cawaalle (inatimiro) oo ka soo dalka Soomaaliya.

Sidaasi waxa sheegay Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka C/Rashiid Beer-geel, waxaanu tilmaamay in ninkan oo dhawaan lagu qabtay magaalada Hargeysa in lagu xukumay laba sano oo xadhig ah iyo laba Malyan oo shilin oo lacag ah. Waxa kale oo uu Guddoomiyuhu sheegay in ninkan dalka laga mastaafurin doono.

Gudoomiyuhu wuxuu tilmaamay in ninkani uu dadka u sheegan jiray inuu dawaynayo Gabowga, hinaasaha, dhalmo la’aanta, hamad la’aanta iyo macaanka oo uu adeegsanayay ul yar oo uu sitay. Kaasi oo qofka marka uu saaro uu qofku miyir doorsoomi jiray.

Waa markii u horaysay ee Maxkamadaha Hargeysa ay qaadaan dacwad noocan oo kale ah.

xuseen xarbi
maantasomaaliland
hargaysa

harbi_31@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com