Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Taliyaha ciidanka booliskaoo ka hadlay dab maanta qabsaday xaafado ku yaal goljano oo

Hargeysa, April, 16, 2011-(maantasomaliland)- Ciidammada Booliska iyo dadweyne tira badan ayaa ka hawlgalay bakhtiinta dabkaas oo ahaa mid baaxad leh, iyaga oo Ciidammadu watay Dabdamisyo iyo Booyado Biyo ah.

Taliyaha guud ee Booliska Somaliland Cilmi Rooble Furre, oo hoggaaminayey Booliska goobta dabku ka kacay, ayaa Saxaafadda u sheegay inaanay Boolis ahaan weli garanaynin sababta dabkaa dhalisay, hase ahaatee ay baadhayaan wixii dabkaasi ka dhashay iyo khasaaraha uu keenay labada-ba.

Mar Taliyaha Booliska la waydiiyey inay jiraan dad wax ku noqday dabkaas, waxa uu sheegay in illaa hadda loo sheegay in ilma yar oo carruur ahi ku geeriyooday mid ka mida Guryaha dabku qabsaday oo Cooshado iyo Buulal u badnaa, isla markaana ku yaalla Xabaalaha Gol-janno, halkaas oo ay dad danyar u badani dagganayaaneen, kuwaasoo u degay qaab habaqle ah oo Buulba Buul dul-saaran yahay, aadna u cidhiidhi ah.

Wararka ka soo baxa dhinaca Booliska ee saabsan dabkaas kala soco shabakada maantasomaliland.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com