Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

SHEEKH DIRIR OO KA JAWAABAY SU’AALO KU AADAN WAXA DIINTU KA QABTO DAWADA BIDAARTA

Sheekh Maxamed Cumar Dirir Oo la Waydiiyay waxa diinta Islaamku ka qabto dawooyinka la iskaga suuliyo Bidaarta ayaa sheegay in haddaanay dawadu lahayn dhibaato ay tahay mid bannaan.

sheekh dirir

Waxa uu dadka dawooyinka soo dejiya ku booriyay inay soo dejiyaan dawooyinkaasi haddii ay tahay mid suulinaysa Bidaarta “Diinteena Islaamku waxay ogoshahay in la iska daaweeyo wixii aafooyin ah ee qofka ku dhaca. Hadday baras tahay iyo hadday Bidaar tahayba, oo tolow labadaas(Bidaar iyo Baras) maxaa loo simay tolow?, dee xaddiiskii Nabigaa simay (SCW), Xaddiis baa Nabigu(CSW) ka waramay oo saddex nin buu ka sheekeeyya oo mid Bidaar buu lahaa, Mid Baras buu lahaa, midna Indhoole ayuu ahaa.

Saddexdii Nin ayuu Illaahay imtixaamay oo waxaa la kala siiyay Geel, Adhi iyo Lo, markii dambe Imtixaankii ninkii indhaha la’aa uun baa ku fashilmay ee labadii kaleba way ku fashilmeen. Markaa waxaynu uga soconaa in Bidaarta lafteedu tahay dhibaatooyinka jidhka ku yimaadda oo liiskaas baa la raaciyay indhoole iyo Baras leh ayaa la raaciyay. Markaa haddii la hayo dawo boqolkiiba boqol dawaynaysa dee waynu u baahannay bee bal soo waarida oo inoo keena” ayuu yidhi Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sheekhu waxa uu ka digay in dawooyinkaasi leeyihiin wax dhibaato ah “Laakiin waxaynu ogsoonahay in dawooyinku leeyihiin dhib(Side Effect) inuu badan yahay, waxay wax yeelaan Unugyada jidhka, Meelaha daldaloola ee jidhka, wax kasta oo casrigan la yidhaa waxbaa lagu dawaynayaa waxaa iska macruuf ah in dhibaatooyinkoodu iska badan yihiin, kolay neerfayaasha khalkhal ku keenaana, dhakhtarna ma ihi oo taas ma galayo hawsheedee daraasad dhab ah in lagu sameeyo weeye, oo waliba dhakhaatiirta aqoonta u leh Maqaarka iyo neefisyadu baadhaan oo waa in laga baaraan dego oo qofku wuxuu isku daawayn karaa wax sugan, oo dhibaato laguma suuliyo dhibaato ka sii wayn, shardigaas uun baa lagu xidhayaa”.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com