Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madasha Wada Tashiga Oo Ingiriiska Ka Dacweeyey Xubano Dhalashada uk Haysta oo ay sheegeen inay qasaan Somaliland.

london (maantasomaliland)Xubno ku hadlay Afka madasha wadatashiga iyo toosinta qaranka Somaliland, oo ku sugan Magaalada London ee carriga Ingiriiska ayaa sheegay inay wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska dacwad uga gudbiyeen masuuliyiin xukumadda Siilaanyo ka tirsan iyo Guddoomiyaha guurtida, kuwaasi oo haysta dhalashada Ingiriiska iyo waddamo kale oo Yurub ah. Xubnahan ayaa madaxda ay dacwada ka gudbiyeen ku eedaynaya inay dalka qas ka wadaan.

Siciid Xaaji Axmed Qulumbe iyo Siciid Good oo ku hadlayay afka madasha wadatashiga ayaa shir jaraa’id oo ay London ku qabteen ku sheegay in ingiriisku la qaatay dacwada ay ka gudbiyeen xubnahaasi “Waxaanu la kulannay wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska, waxaanu u tagnay qaadhaan bixiyeyaasha iyo saaxiibada Somaliland, waxay ahayd ballan muddo aanu sugaynay oo runtii waxyaabo badan baanu kala hadlaynay.

Waxaanu kala hadlay inay jiraan dad badan oo Muwaadiniin Ingiriis ah( British citizen) kuwaas oo Somaliland dhibaato ka wada halkanna(Ingiriiska) degan. Nimankaas faylashoodii iyo magacyadoodii oo dhan halkan baanu ku haynaa oo Nuqullo ayaanu u gudbinay Ingiriiska” ayuu yidhi Siciid Qulumbe.

Siciid Xaaji Axmed Qulumbe, waxa uu intaasi ku daray “Waxaanu haynnaa xogta lacagoyow badan oo la soo dhacay oo halkan England, London, Berminham iyo Dubay ba guryo lagaga iibsadayna kiisaskooda waanu haynaa oo waanu u gudbinay Ingiriiska. Muhiimada ugu weyni waxa weeye sidii nimankaas labada jinsiyadood leh ee Baasboorka Ingiriiska haysta ee Guddoomiyaha guurtida oo ah ninka guurtida haysta ee waddanka qasayaa ka mid yahay, oo uu ka mid yahay Xirsi oo u dambeeyay oo qaatay Basaboorka, oo uu ka mid yahay Wasiirka Duulista, oo Baashe Cawil(Wiilka Madaxweyne Siilaanyo Sodogga u yahay) ka mid yahay oo Marwada Madaxweynuhu ka mid tahay, inay waddanka Somaliland dad noocaas ah oo laba jinsiyadood haystaa ka wadaan qas ayaanu kala hadalay” ayuu yidhi Mr Qulumbe.

Muxiyaddiin Good, ayaa isna ka hadlay arrimaha ay kala hadleen Ingiriiska “Waxaanu kala hadalnay oo u sheegnay oo iyaguna naga aqbaleen oo ay hawshooda galayaan dadkan Somaliland qasaya ee Basaboorada Yurubiyanka ah, Ingiriiska iyo Ajanabiga wada sita, waxaanay yidhaahdeen cid kale oo waliba ha qasto Somaliland laakiin, kama ogolaanayno in Saleebaan iyo Xirsi oo sanadkii u dambeeyay qaatay iyo Inamada afarta ah een is bedelin ee Basaboorka Ingiriiska wada sitaa inay dalka dumiiyaan ka aqbali mayno ayay yidhaahdeen waanay nagu raaceen arrinkaas” ayuu yidhi Mr Muxiyaddiin.

Xubnahan ayaa sheegay inay Ingiriisku soo dhaweeyay kulankan Madasha oo ay danaynayeen,iyadoo sheegay inay u sheegeen inaanay u hadal sidii Kulmiye Markii uu mucaaradka ah u hadli jiray.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com