Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddida joogtada ah ee aqalka wakiillada Somaliland, ayaa maanta kulan xog waraysi ah la yeeshay Maareeyaha wakaaladda biyaha Hargeysa, waxaana lagu lafo guray halka ay marayaan mashaariicda biyo balaadhinta Hargeysa.

Guddida joogtada ah ee aqalka wakiillada Somaliland, ayaa maanta kulan xog waraysi ah la yeeshay Maareeyaha wakaaladda biyaha Hargeysa, waxaana lagu lafo guray halka ay marayaan mashaariicda biyo balaadhinta Hargeysa.

Guddoomiye kuxigeenka guddida xildhibaan Axmed Ducaale Bullaale, ayaa markii kulanku dhammaaday saxaafadda u sheegay inay warbixin waafi ah oo ku saabsan qorshaha biyo balaadhinta ee Hargeysa ka heleen Maareeyaha wakaaladda.

“Guddida halkan joogtaa waa guddidii joogtada ahayd oo kulan la yeeshay maareeyaha wakaaladda biyaha Hargeysa, waxaanu wax ka waydiinay baahida biyaha ee wakhti xaadirkan Hargeysa taala iyo duruufaheeda iyo wixii iska bedeli kara mustaqbalka. Warbixin aad u faahfaahsan buu naga siiyay arrimahaas, su’aalo badana xildhibaanadu way ka waydiiyeen arrimaha jira, jawaabo waafi ahna wuu na siiyay, intaas baanu kulakayagu ahaa” ayuu yidhi guddoomiye xigeenka guddidu.

Ibraahin Siyaad Yoonis, Maareeyaha wakaaladda biyaha ayaa isna sheegay in guddida xog waran ka siiyeen mashaariicda biyaha ee hadda socda, qorshaha Mustaqbalka iyo hawlaha wakaaladdu u xilsaaran tahay. Waxa uu sheegay inay tafaasiil ka bixiyeen waxyaabaha mudaneyaasha madmadowgu kaga jiray.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com