Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweyne- Ku -Xigeenka JSL, ahna Ku Simaha Madaxweynaha JSL, Mudane. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Maanta ku qaabilay xarunta Madaxtooyada, Wafti balaadhan oo ka socda kooxda labaad ee la dagaalanka budh-cad badeeda ee heer caalami.

Madaxweyne- Ku -Xigeenka JSL, ahna Ku Simaha Madaxweynaha JSL, Mudane. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Maanta ku qaabilay xarunta Madaxtooyada, Wafti balaadhan oo ka socda kooxda labaad ee la dagaalanka budh-cad badeeda ee heer caalami.

Waftigan oo uu hogaaminayay Guddoomiyaha Kooxda labaad ee la dagaalanka budh cad-badeeda Caalamka Mr. Thomas Winkler iyo laba xubnood oo kala ah Anne Marie Agaasinka bariga Africa ee UNDOC iyo Shamus Mangun la taliyaha dhinaca xeer ilaalinta ee UNDOC.

Socdaalka waftigan ayaa daba socday wafti hore u yimid dalka Somaliland oo uu hogaaminayay u qaabilsanaha qaramada midoobay ee la dagaalanka budh-cad badeeda caalamka oo dhan UNODC, YURY FEDOTOV oo dhamaadkii bishii saddexaad ee sanadkan 2011-ka socdaal ku yimid caasimada Somaliland ee hargaysa,isla markaana la kulmay madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo), Waftigan ayaa ujeedadiisu tahay inay dhamaystiraan waxyaabihii hore qabyada uga ahaa kulankii waftigii hore ee uu hogaaminayay Mr. FEDOTOV oo ku saabsanaa dedaalka caalamku ugu jiro la dagaalanka budh-cad badeeda iyo qaab-dhismeedka loo fulinayo hawlaha la xidhiidha la dagaalanka budh-cad badeeda.

Waftigan uu la kulmay Madaxweyne- Ku -Xigeenka JSL, Mudane (Saylici) waxaa ku wehelinayay wasiirka wasaaradda Caddaalada iyo Garsoorka Pro. Ismaaciil muumin Aar,Wasaiirka wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada Mudane Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka Iyo Horumarinta Dr: Sacad Cali Shire,waxaanay Xukuamada iyo waftigani kawada hadleen doorka ay ku leedahay Somaliland hawlaha la xidhiidha ilaalinta badaha iyo wixii wax yeelaya Isu Socodka Dhanka badaha taas oo ay isku Af-garteen labada Dhinacba.

Xukuumada iyo waftigu waxay ku heshiiyeen inay yeeshaan kulamo kale oo Ambaqaad ah oo deg-deg ah isla markaana jawaab cad ka bixinaya gocashooyinka Somaliland ee ku aadan doorka looga baahan yahay in ay ka qaadato waajibaadka ay bulshada caalamku ugu jirto la dagaalanka budh-cad badeeda.

ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

xuseen xarbi
maantasomaliland.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com