Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

DAHABSHIIL GROUP OO $13,000 UGU DEEQDAY QAXOOTIGA YEMEN EE SOMALILAND

Dahabshiil Group oo looga bartay Taakulaynta Dadka Tabaalaysan ayaa waxa ay shalay ku wareejisay Gudoomiyaha Jaaliyadda Qaxootiga Yemen ee Somaliland Lacag dhan $13,000.
Gudida Jaaliyadda Yemen ee Somaliland ayaa u qaybin doona Lacagtan 130 Qoys oo ku nool Guud ahaan Somaliland, kana tirsan qoysaska Danyarta ah ee Qaxootiga Yemen, Lacagtan ayaa ka mid ah Taakulaynta Joogtadda ah ee looga Bartay Dahabshiil Group.

dahabshiil

 

Gudoomiyaha Jaaliyadda Bassam Cawad Cali Cabdulhabib ayaa uga Mahadceliyay Shirkadda Dahabshiil Group Taakulaynta iyo warkahaynta qaxootiga yemen ee joogtada ah, waxaanu yidhi, “waxaad ka warhaysaan inay shirkadda Dahabshiil Markab ka ay leedahay ee MV Dahab uu ilaa hadda wado Soo daabulidda dadka ku dhibaataysan Dalkayagii ee yemen, Shirkadda Dahabshiil halkaas uun naga-gamay tagin ee ilaa Hadda ayaya na caawisaa oo sifiican bay nooga warhaysaa , Abaalkanna Jaaliyadda iyo qaxootiguba way u Hayaan ilahayna waxan shirkadda Dahabshiil uga Baryaynaa iyadda iyo masuuliyiinteedaba inuu Ajar iyo  Xasanaad ka siiyo”.
Shirkadda Dahabshiil ayaa Bishii hore waxay ugu deeqday Lacag dhan $30,000 qaxootiga ka soo qaxay dalka Yemen ee ku jira xeryaha Qaxootiga ee Magaaladda Boosaaso iyadoo ku wareejisay gudida gurmadd-ka Qaxootiga Yemen.
Sidoo kale Dahabshiil Group ayaa waxay sii wanaagsan ay u anbabixisey 300 oo kamid ah soomalidii ka soo qaxay dagaalada Yemen, waxaana ay siisey dhaqaale iyo tasiilaad ay ku tagaan gobolada ay ka yimaadeen markii hore.
Waxa si joogta ah oo aan nasasho lahayn u soo daabulla Dadka ku tabaalaysan dalka Yemen oo u badan qoysas danyarta ah Doonidda Shirkadda Dahabshiil ee MV Dahab oo Si bilaash ah usoo qaadda, isla markaana usii diyaarisa wixii ay raashin iyo quudba cuni Lahaayeen.

Maareeye-ku-xigeenka Dahabshiil Cabdi Faarax Axmed ayaa isagu Hore u sheegay “inay Meelaha kale ee qaxootiga Yemen ka soo degaan ee Shirkadda Dahabshiil xafiisyada ku leedahay si wanaagsan  loogu qaabili doono Qaxootiga Yemen.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com