Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

April 17/2011 Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Maxkamada Darajada koowaad ee ciidammadda qaranka ayaa galabta xukun dheer oo xadhig ah ku xukuntay 33 askari oo ka tirsan ciidanka Booliska oo sifo amar diido ah uga soo baxay fadhiisimadoodii magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kuwaasi oo soo gaadhay Magaalada Hargeysa oo ay ka soo jeedaan.

April 17/2011
Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Maxkamada Darajada koowaad ee ciidammadda qaranka ayaa galabta xukun dheer oo xadhig ah ku xukuntay 33 askari oo ka tirsan ciidanka Booliska oo sifo amar diido ah uga soo baxay fadhiisimadoodii magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kuwaasi oo soo gaadhay Magaalada Hargeysa oo ay ka soo jeedaan.
Maxkamadda Ciidanka qaranku markii ay dhegaysatay dacwada askartaasi waxay 29 ku xukuntay xadhig dhan min 14 sanadood, halka Taliyihii watayna ay ku xukuntay 15 sanadood oo xabsi ah.
Waxa kale oo Maxkamaddu ay 3 askari ku xukuntay sideed sanadood ka dib markii ay ogaatay inay qaateen amar khaldan oo la faray.
Maxkamada darajada koowaad ee ciidammadda qaranku waxa kale oo ay laba sanadoo oo xadhig ah iyo sadex Malyan oo shilin ku xukuntay Dirawalkii gaadhigii soo qaaday ciidankaasi.
Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cilmi Rooble Furre, ayaa sheegay in askartaasi ay ku kaceen fal fool xun oo ay ka muuqatay wadaniyad la’aan iyo anshax xumo.
Taliyuhu wuxuu sheegay inay askartaasi ay amar la’aan kaga yimaadeen saldhigyadoodii iyagoo soo galay caasimadda Hargeysa.

maxamed dhukur
hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com