Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

April 17th, 2011 Hargeya(Somaliland.com)- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud, Guryeynta iyo Gaadiidka Somaliland, Md. Xuseen Axmed Caydiid, ayaa shaaca ka qaaday in dakhligii Wasaarad ahaan loo qorheeyey inay sannadka oo dhan soo xareeyaan ay ku soo xareeyeen muddo dhawr bilood ah, isla markaana ay ku guulayteen inay muujiyaan wax-qabad ballaadhan oo dhinaca dib-u-dhiska iyo dayactirka waddooyinka dalka ah.

April 17th, 2011
Hargeya(Somaliland.com)- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud, Guryeynta iyo Gaadiidka Somaliland, Md. Xuseen Axmed Caydiid, ayaa shaaca ka qaaday in dakhligii Wasaarad ahaan loo qorheeyey inay sannadka oo dhan soo xareeyaan ay ku soo xareeyeen muddo dhawr bilood ah, isla markaana ay ku guulayteen inay muujiyaan wax-qabad ballaadhan oo dhinaca dib-u-dhiska iyo dayactirka waddooyinka dalka ah.
Wasiirka hawlaha guud, waxa uu ka warramay waxyaabaha ay Wasaaraddiisu u xil-saaran tahay, waxa u qabsoomay muddii uu Wasiirka ka ahaa hawlaha guud, guryeynta iyo gaadiidka iyo waxyaabaha u qorshayan mustaqbalka oo uu sheegay inay ka mid yihiin, sidii Gaadiidka Bidixda Albaabka ku leh looga wareejin lahaa, sidii Gaadiidka Baddu uu u hoos iman lahaa Wasaaradda iyo arrimo kale oo door ah.
Md. Xuseen Axmed Caydiid oo maanta ka hadlayay barnaamijka dadkaaga maqal oo tobankii cishaba Masuul dawladda ka tirsan lagu casuumo, lsla markaana lagu qabto Hoolka Wasaaradda Warfaafinta ee magaalada Hargeysa, dadweynuhu si furan su’aalo u weydiiyaan maalinba Masuulka lagu soo marti-qaado. “Wasaaradda haddaan wax ka taataabto sidaad magaceeda ka aragtaan Hawlaha guud, Guryeynta iyo Gaadiidka saddexdaa eray ayaa saldhig u ah Wasaaradda hawsheeda. Waxay u xil-saaran tahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, sida waddooyinka, Biriijyada, Gaadiidka dawladda iyo kuwa dadweynaha, dejinta iyo meel-marinta siyaasadda lagu hagi lahaa, hannaanka gaadiidka dadweynaha iyo ka lagu maamulayo ka dawladdaba. waxa kale oo masuuliyadi ka saaran tahay Wasaaradda meel-marinta dejinta iyo diyaarinta xeerarka lagu maamuli lahaa dhulka dawladda oo aan ka magaalada oo kaliya ku koobnayne dhul-weynaha Somaliland oo dhan lagu maamuli lahaa, adeegyada dhismaha iyo korontada ayaa hawlaha Wasaaradda ka mida, gacan ka gaysashada himilada qaran ee ah shaqo abuurka.” ayuu yidhi Wasiirka Hawlaha guud.
Wasiirka hawlaha guud iyo Gaadiidka Somaliland, Xuseen Axmed Caydiid, waxa kale oo uu sheegay inay Wasaaraddu ka kooban tahay lix-waaxood oo midiba hawl-qabato, isla markaana gobollada dalka oo dhan Xafiisyo ku leedahay.”Waxa qiimaynta Wasaaradda ka mid ah qiimaynta diiwaan-gelinta iyo liisan siinta iyo weliba horumarinta ururrada Injinneerrada iyo Qandaraaslayaasha ururrada dhisme oo ay Wasaaraddu maamusho, diiwaangelinta iyo tirakoobka hantida qaran hadday guurto tahay iyo hadday ma guurto tahay-ba, diiwaangelinta iyo dayactirka gaadiidka dawladda, Wadista Baabuurta, Macdarrada lagu iibiyo baabuurta, Geerashyada iyo Iskuullada barashada wadista gaadiidka. Waxa Wasaaradda hoos yimaadda hay’adda waddooyinka Somaliland, Wakaaladda laydhka iyo Gaadiidka Badda.” ayuu yidhi Xuseen Axmed Caydiid.
Wasiirku, waxa uu sheegay muddadii uu xilka hayey inay ku guulaysteen dhammaystirka biriijkii labaad ee Caasimadda Hargeysa, dhammaystirka waddo isku xidha tuulooyinka Kala-baydh iyo Dila ee Gobollada Awdal iyo Gabilay. sidoo kale waxa uu tilmaamay Dacarbudhuq illaa Xabaala-tumaalo ee waddada Berbera inay dayac-tir ku sameeyeen, taasoo uu sheegay inay wadayaan illaa gudaha magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil iyo sidoo kale Oog iyo Laascaanood inta u dhaxaya oo uu tilmaamay Wasiirku in jidkaana dhismihiisu, Biriijka koobaad ee Burco dib-u-dhis lagu samaynayaa hadda socdo.
Mar uu Wasiirka hawlaha guud ka hadlayey waxyaabaha dhinaca dakhliga uga qabsoomay bilihii u dambeeyey waxa uu yidhi; “Wasaaraddu waxay u hawlgashay ololaha dalkaba ka socda ee dakhli kordhinta ah qaybteediibay kaga jirtaa, warbixintan saddex biloodka ah waxay Wasaaraddu tirsatay inay soo xaraysay lacag gaadhaysa intii loogu talagalay inay sannadka dhan soo xarayso oo laba Bilyan iyo dheeraad ah ayey xaraysay. waxa kale oo hawlaha u qabsoomay Wasaaradda ka mid ah oo ololohoodu dhawr bilood socday oo Gaadiidkii meel walba daadsanaa ee dawladda hadday geerashyo tahay, guryo tahay, iyo hadday Xafiisyo tahayba gaadiidkii wadhnaa ayaannu ku soo ururinaynay, waxaanannu u soo kala saarnay laba oo qayb Wasaaraduhu dayactiran karaan iyo qayb la xaraashayo si dakhli uga soo hoydo.”
Sidoo kale, waxa uu Wasiirku sheegay inay ku guuleysteen ilaalinta dhulka danta guud oo uu sheegay inay dhibaatooyin badani ka taagnaayeen, hase ahaatee, ay hadda waxbadan xalliyeen, gacanta dawladdana uu si buuxdo ugu jiro oo ay ilaaliso Wasaaradda hawlaha guud, qorshaysana hadba qaabka laga yeelayo.
Dhinaca kale, Wasiirka hawlaha guud, guryeynta iyo gaadiidka Somaliland Md. Xuseen Axmed Caydiid, mar uu ka hadlayey waxyaabaha u qorshaysan mustaqbalka dhaw, waxa uu sheegay waxyaabaha a sidoo kale waxa uu sheegay inay qorshaha ugu jirto sidii loo samayn lahaa Biriijyo iyo Waddooyin cusub oo laga hirgelin doona Gobollada iyo Degmooyinka kala duwan ee dalka, iyada oo loo eegayo meelba baahida ka jirta.
Si kastaba ha ahaatee, markii uu Wasiirku hadalkiisa dhammeeyey waxa madashaa ay dadweynuhu ku weydiiyeen su’aalo doora oo la xidhiidha wax-qabadka uu ka warramay iyo hawlaha Wasaaraddiisa iyo sidoo kale waxyaabaha uu xusay inay u qorshaysan yihiin, kuwaasoo uu isla goobtaa kaga jawaabay.
xuseen xarbi
hargaysa
maantasomaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com