Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Sida lagu sheegay war ay soo saartay wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalka Ethiopia, Waxa dalkaas kusoo laabtay ugu yaraan 6000, oo qof, kuwaas oo muwaadiniin ah, kuwaas oo kasoo laabtay dalal qalalaase siyaasadeed ka jiro oo ay hore ugu noolaayeen.

rteuAfhayeenka wasarada arrimaha dibada ee Itoobiya, Tewolde Mulegeta, ayaa todobaadkan soo dhaweeyey labaatameeyo muwadaniin ah oo ka soo laabtay dalka Liibiya. Muwadiniintan ayaa soo maray dalka Masar iyada oo safaarada Itoobiya ee Qaahira si weyn u abaabushay soo noqoshadooda.

Muwadaniinta Itoobiya ayaa ka soo noqday wadamada Yaman, Liibiya, Khaliijka Carabta iyo Koonfur Afrika halkaas oo ay kala kulmeen duruufo kala duwan oo ku qasbay in ay dalkooda dib ugu noqdaan.

Inkastoo dalka Itoobiya dhaqqalahiisu kor u kacay, haddana waxaa jira dhalinyaro aad u tiro badan oo dalka sababo kala duwan uga baxa si ay u gaadhaan wadamada Carabta iyo reer Galbeedka.

Muwadaniinta soo noqday ayaa u mahad-celiyey xukuumada Itoobiya oo ka caawisay in ay dalkooda ku soo laabtaan

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com