Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hargeysa, April, 17, 2011-(maantasomaliland)-Shirkadda Dahab Shiil ayaa jawaab ka bixisay go’aan ay shirkadda Telesom kaga noqotay maalgashi ay labada shirkadood wershad sibidh oo labaad kaga hirgelinayeen magaalada Berbera ee xarunta gobalka Saaxil

Hargeysa, April, 17, 2011-(maantasomaliland)-Shirkadda Dahab Shiil ayaa jawaab ka bixisay go’aan ay shirkadda Telesom kaga noqotay maalgashi ay labada shirkadood wershad sibidh oo labaad kaga hirgelinayeen magaalada Berbera ee xarunta gobalka Saaxil.

Shirkadda Telesom ayaa toddobaadkii hore si rasmi ah uga noqotay maalgelinta wershadaas sibidhka oo uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud, digreeto ugu ogolaaday inay wada jir u sameeyaan wershad sibidh oo ka madaxbanaan wershadii hore ee sibidhka oo ah mid dawladeed oo ay xukuumadii hore ganacsato ku siisay inay dib u kiciyaan. Shirkadda Telesom ayaa la sheegay inay go’aankaas qaadatay markii ay tixgelisay duruufo jira.

Haddaba shirkadda Dahab Shiil ayaa jawaab ka bixisay go’aankaas Telesom. Qoraal uu madaxa maalgelinta Dahab Shiil Ismaaciil Xaaji Cabdi Ducaale ugu jawaab celiyay Telesom 14 April, ayaa wuxuu ku sheegay inay soo dhawaynayaan go;aankaas Telesom.

Qoraalka Dahab Shiil u diray Telesom oo aan saxaafadda loogu talo gelin balse uu Geeska Afrika nuqul ka mid ah helay ayaa waxa ogaysiin lagu siiyay Madaxweynaha, Wasiirka ganacsiga iyo rugta ganacsiga “Annagoo tixraacayna qoraalkiinii sumadiisu ahayd Ref: TSL/ADM/0810/11, kuna taariikhaysnaa 14 April, 2011, kaas oo aad ku xusteen inaad ka baxdeen maalgashigii wershadda Saaxil Cement Company ee aynu mudada lixda sanno ka badan ku wada jirnay.” sidaas ayuu Dahab Shiil ku yidhi qoraalkiisa, aanu helnay, waxaanu intaas raaciyay, “Haddaba iyadoo aanaan shirkadiina ka helin wax ogaysiin ah, ka hor intii aanu ku soo bixin jaraa’idka go’aankaas aad gaadheen ee ku saabsan inaad ka noqoteen maalgelintii wershadda aynu ku wada jirnay iyada oo ay ku haboonayd in aynu iska aragno duruufaha aad sheegteen inaad uga baxdeen mashruucan haddana waanu soo dhawaynaynaa go’aankaasa aad gaadheen.

Dahab Shiil, ugu dambayn wuxuu ku yidhi qoraalkiisa, “Gebagebadii annaga oo uga mahad celinayna Madaxweynaha JSL iyo xukuumadiisa rukhsadii ayna siiyeen oo qoraalkiina ogaysiinta ku lahayd, waxaanu u cadaynaynaa in ayna waxba iska bedelin qorshihii iyo himiladii ahayd in ay dalka ka hirgasho wershad sibidh oo la wada leeyahay, wax wayna ka taraysa koboca dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dalka, diyaarna u nahay in ay sida ugu dhaqsaha badan in wershadaasi wadanka uga dhisanto

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com