Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Is Bahaysiga Shirkadaha TELESOM & DALKOM & Ka Noqoshada TELESOM ee Maalgashiga Warshadi Sibidhka Maxa Kalifay In Shirkada TELESOM Ka Noqoto Maalgashiga Warshadii Labaad Ee Sibidhka? Hargeysa (maantaSomalilan.com) Waxa markay taarikhdu ahayd 13kii bishan April saxaafada kusoo baxay warar sheegaya in shirkada TELESOM ay ka noqotay ruqsad la siiyey si ay u maal gashato warshad sibidh oo labaad oo dalka laga sameeyo.

Is Bahaysiga Shirkadaha TELESOM & DALKOM & Ka Noqoshada TELESOM ee Maalgashiga Warshadi Sibidhka

Maxa Kalifay In Shirkada TELESOM Ka Noqoto Maalgashiga Warshadii Labaad Ee Sibidhka?
Hargeysa (maantaSomalilan.com) Waxa markay taarikhdu ahayd 13kii bishan April saxaafada kusoo baxay warar sheegaya in shirkada TELESOM ay ka noqotay ruqsad la siiyey si ay u maal gashato warshad sibidh oo labaad oo dalka laga sameeyo. Mashruucan ayaa waxa ku shuraako ahaa labada shirkadod ee dalka ugu waaweyn, TELESOM iyo Dahabshiil; kuwaasoo dedaal mudo dheer qaatay ka bacdi ku guulaystay in ruqsadaas la siiyo. Ma cadda sababta rasmiga ah ee ay TELESOM u qaadatay go’aankaas ay ku lalisay fursadaas ganacsi ee ay inta badan ku hamiyaysay.

Ka noqoshada shirkada TELESOM ee maalgashiga warshadan ayaa waxay kusoo beegantay hal maalin ka bacdi markii golaha wakiiladda Somaliland ansixiyey ee u codeeyey xeerka is gaadhsiinta Somaliland, kaasoo lagu maamuli doono shirkadaha isgaadhsiinta ee dalka iyo CABLE ka badda hoos mara. Haddaba waxa is weydiin mudan sababta rasmiga ah ee ku kaliftay TELESOM inay fursad ganacsi oo ay in badan ku hamiyaysay ka noqoto iyo waliba xidhiidhka ka dhexeeya meel marinta xeerka is gaadhsiinta iyo ka noqoshada shirkada TELESOM ee mashruuci ay ku jirtay?

Codeyntii Xeerka Is-Gaadhsiinta Iyo Ka Noqoshadii TELESOM
Ansixinta xeerka is gaadhsiinta Somaliland oo wiigii hore la hor geeyay golaha wakiiiladda ayaa ahaa mid aad u xasaasi ah oo mudanayaasha golaha wakiiladdu si xoogan ugu kala jabeen. Xeerkaas ayaa waxa aad ugu loolamayay oo kala taagersanaa ganacsadayaal kala duwan oo reer Somaliya iyo reer Somaliland isugu jira.

Sida warar xog ogaal ah shegayan, shirkadaha TELESOM iyo DALKOM ayaa la sheegay inay ka ololaynayeen in xeerkaas loo codeeyo oo la meel mariyo; halka dhanka kale shirkada SOMCABLE u ololaynaysay in xeerkaas la ansixiyo. Sababta ugu weyn ee shirkada TELESOM uga dagaalamaysay meel marinta xeerkaas ayaa la sheegay inay ahayd iyada oo xerkasi jidaynayo cashuuro lagu soo rogo shirkadaha is gaadhsinta iyo in la isku xidho isgaadhsinta dalka, si ay u wada xidhiidhi karaan. Dhanka kale, shirkada DALKOM ayaa xeerkaas is gaadhsinta kasoo horjeesatay iyada oo u arkaysay in xeerkasi dan u yahay shirkada SOMCABLE ee ruqsada CABLE\ka badda hoos mara la siiyey; halka iyaduna shirkada SOMCABLE u arkaysay in xeerkasi dan ugu jirto oo u ololaynaysay.

Haddaba Shirkadaha TELESOM iyo DALKOM oo labaadaba mulkiga ugu weyn laga leeyahay dalka Somaliya ee aynu jaarka nahay ayaa markii xeerkaas is gaadhsinta uu ansixiyey golaha wakiiladdu, waxa ay bilaabeen is urursi iyo abaabul ay ugu diyaar garoobayaan sidii xeerkaas loogu fashilin lahaa golaha guurtida. Isla markaa, iyada oo shirkadahani ka duulaya fashilinta xeerkaas ayaa waxa ay bilaaben xulufaysi iyo olole ay ku kasbanayan taagerayal kala hawl gala sidii loo fashilin lahaa xeerkaas, isla markaana ay isaga caabin lahaayeen shirkada SOMCABLE iyo xukuumadda Somaliland oo ay u arkaan inay si khaldan ruqsad u siisay, gacan saarna la ledahay. Xulufaysigan iyo hawlgaladan oo aad looga dareemayay magaaladda Hargeysa Malmihii u danbeeyey ayaa ah mid wajiyo badan leh oo dhinac siyaasadeysan dhanka kalena beelaysan.

Xulufaysiga Dan Wadaagta!
Ololaha taagero raadsiga iyo xulufaysigii ee shirkadaha TELESOM iyo DALKOM ayaa sida warar xog ogaal ah xaqiijinayan waxa uu sababay wada hadal iyo is fahan dhex mara shirkada TELESOM iyo shirkad kale oo ganacsi oo ay ku bahoobeen ganacsadayal xukuumadii Madaxweyne Rayale ruqsad u siisay inay dhistaan warshadii sibidhka ee qaranku lahaa, laba cisho ka hor maalinti doorashada Madaxweynaha la qabanayay sanadkii hore. Ganacsatadan ayaa la sheegay inay aad uga xumaayeen ruqsada loo siiyay Dahabshil iyo TELESOM inay warshad labaad oo sibidh dhisaan, isla markaana dagaal culus kula jiray sidii loo fashilin lahaa mashruucaaas warshada labaad ee sibidh.

Sidaas darted, TELESOM iyada oo haysata taageerada shirkada DALKOM ayaa waxay heshiis kale la gashay ganacsatadaa si ay u fashiliso xeerka is gaadhsiinta. Heshiiskaas ay wada galeen labadaas shirkadod ayaa waxa ka qayb ahaa in shirkada TELESOM, si ay u hesho taagerada ganacsatada la siiyay warshadii sibidhka ee qaranka, ay ka baxdo oo daadafeyso ruqsadii loo siiyay maalgashiga warshad sibidh oo labaad oo dalka laga yagleelo. Taas bedelkeedna ay halkaa ka dhalan doonto is bahaysi cusub oo ah TELESOM, DALKOM iyo ganacsatadaa, si ay cudud midaysan ugula dagaalaman xeerka is gaadhsinta iyo shirkado ay u arkaan inay dagaal kula jiraan.

Abaabulka iyo ololaha taageero doonista ee TELESOM iyo DALKOM kuma ekayn kaliya dhinac ganacsi, hase yeeshee, shirkada TELESOM ayaa maal mihi ugu danbeeyey ka waday magaaladda casimada Hargeysa olole iyo hawl galo kala duwan, kuwaaso lagu shirinayay siyaasiyin iyo madax dhaqameedyo loo diyaarinayo abaabul siyaasadeysan oo beelaysan inay ka galaan arrimahaas kor ku xusan. Natiijadii ugu horaysay ee ololahaasna waxa ka dhashay shalay in uu saxaafadda la hadlay wasiirki hore ee cadalada Somaliland, Md Adan Dholayare, kaasoo sheegay in haddii xeerka is gaadhsinta laga nooqon waayo uu dalka ka dhici doono qalalaase siyaasadeed oo beelaysan. Ma cadda qalalaasaha beelaysan ee Md Dholayare sheegay siduu u dhici doono iyo ujeedada uu leyahay iyo cida uu dhex mari doono, iyada oo aanu Md Dholayare wax tafaasil ah ka bixin arrintaa.

Ujeedada iyo Natiijada Ay Higsanayan Shirkadahan!

Gabagabadi, sida ay ka dhawaajiyeen dad arrimahan u dhuun daloola dagaalka iyo abaabulka ay ku jiraan shirkadaha TELESOM, DALKOM iyo ganacsatada la xulufada ah ee warshadii hore ee qaranka la siiyey, ayaa ah mid ay ku rabaan ka midho dhalinta sadex qodob, kuwaasoo kala ah:
1. in ay la dagaalaman ruqsada CABLE badda hoos mara ee la siiyey shirkada SOMCABLE.
2. inay la dagaalaman xeerka is gaadhsiinta qaranka, kaaso jidaynaya iskuxidhka isgaadhsinta dalka iyo cashuuro laga qaado shirkadaha is gaadhsinta, kuwaasoo ilaa imika wax cashuuro ah hore u bixin jirin.
3. in ay la dagaalaman ruqsada warshada sibidh ee labaad ee la siiyey shirkada Dahabshiil.

Si looga midho dhaliyo sadexdaas ujeedo ee is dul saran, waa ta kaliftay in shirkada TELESOM ka noqoto warshadii sibidhka ee ay ruqsadeda inta badan u ololaynaysay, isla markaana xulufaysi iyo abaabul siyasadeysan dhanka kalena beelaysan bilowdo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com