Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Orod-yahanka Mo Faarax Oo Wacdaro Ka Dhigay Tarankii Orodka Fudud Ee Ciyaaraha 10,000M

Orodyahanka loo caal-layahay ee Soomaaliyeed Maxamed Faarax (Mo Farah), ayaa u diiday in ciyaaryahanadii reer Kenya fursad ay isku muujiyaan tartanka gegida Buul Shinbireedka ka socda ‘Bird’s Nest’.

Maxamed (Mo) Faarax, ayaa markii labaad oo xidhiidh ah ku guulaystay bilada dahabka ah ee ciyaaraha Orodka Adduunka 10,000m oo ka socda magaalada Beijing ee Caasimadda dalka Shiinaha (China) (IAAF World Championships).

Mo Farah, ayaa Weriyeyaasha u sheegay inaanay sahlanayn in lagu ordo qorax labaatan iyo toddobo daqiiqo oo xidhiidh ah laakiin uu dedaal kaga gudbay.

Todoba sanadood ka hor isla garoonkan, buul shinbireedka; “Birds nest” ee Caasimadda Beijing, Mo Faarax,

waxaa lagu reebay tartanka Olympics kadib markii uu ku guul-daraystay inuu wac-daro ka dhigo orodka 5,000m.

Niyad jabkii ka soo gaadhay ciyaarahaasina waxay ku hogaamiyeen inuu dedaal badan sameeyo taas oo gayaysiisay inuu, Lix Biladood oo Aduunka ah iyo Todobada qaarada Yurub ah urursado wixii ka dambeeyey.

Orod-yahankan 32 jirka ahi, wuxuu doorkan go’aan ku gaadhay inuu meesha ka saaro dedaalka kooxda reer Kenya ee cadaadiska ugu weyn ku haysay, waxaanu wareegii ugu dambeeyey, oo ku qaatay 54.15 ilbidhiqsi kaga goostay Geoffrey Kamworor iyo Paul Tanui guushana sidaas ku hantiyey.

Maxamed Faarax (Mo) markii uu guulaystay, waxa uu farxadda daraaddeed Dhulka dhigay Wejiga, islagoo muujiyey Islaamnimadiisa, sidii caadada u ahaydna wuxuu la dhacay Sujuud uu Eebbe ku mahadinayo guusha uu gaadhsiiyey.
ORODYAHANKA-MO-FARAH-OO-IS-MAJIIRAYA-150x150.jpg

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com