Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ardayda jaamacadaha Ee Ka Soo Jeeda Saaxil oo Ka Digay Cawaaqibka Ka Dhalan Kara Warshada labaad ee Sibidhka ee Berbera Hargeysa, April, 18, 2011-(maantaSOMALILAND)- Qaar ka mid ah ardayda Jaamacadaha Hargeysa ee ka soo jeeda Gobolka Saaxil, ayaa ka digay cawaaqib-xumada ka iman karta dhismaha Wershadda labaad ee sibidhka Berbera oo uu Madaxweyne Silaanyo digreeto ugu ogolaaday shirkaddaha Dahabshiil iyo Telesom oo iyadu markii danbe ka noqotay.

dayda jaamacadaha Ee Ka Soo Jeeda Saaxil oo Ka Digay Cawaaqibka Ka Dhalan Kara Warshada labaad ee Sibidhka ee Berbera
Hargeysa, April, 18, 2011-(maantaSOMALILAND)- Qaar ka mid ah ardayda Jaamacadaha Hargeysa ee ka soo jeeda Gobolka Saaxil, ayaa ka digay cawaaqib-xumada ka iman karta dhismaha Wershadda labaad ee sibidhka Berbera oo uu Madaxweyne Silaanyo digreeto ugu ogolaaday shirkaddaha Dahabshiil iyo Telesom oo iyadu markii danbe ka noqotay.

Baaq ay ku saxeexanyihiin arday aad u tiro badan oo ay soo gaadhsiiyeen Berberanews waxay ka digeen khasaare laxaadlle oo ku iman kara ganacsatadii hore ugu hawlanayd kicinta wershadda sibdidka Berbera, taasoo ay sheegeen haddii ay dhacdo inay muwaadiniintu ka maagaan maalgashiga dalkooda hooyo.

Baaqaaq oo dhammaystirani waxa uu u dhignaa sidan.”Anagoo ah ardayda jaamacadaha ee ka soo jeeda gobolka saaxil waxaanu halkan ku bayaaminaynaa mawqifka aanu ka taaganahay arimo baryahan dambaba kusoo baxayay warbaahinta maxaliga ah oo ah wareegto uu madaxweynaha jamhuurayada somaliland ugu ogalaaday in labada shirkadood ee dahabshiil iyo telesom ay ku maalgashadaan warshad sibidh oo labaad oo laga hirgaliyo magalada berbera , inkastoo warbahinta qaarkood ay ku soo baxday in shirkada Telesom ay ka noqotay mashruucaas iyo arinkale oo ah in shirkada dahabshiil la siiyay goob ku taal badhtamaha dakada berbera oo lagu sheegay in shirkadu ka dhigan doonto xarun lagu sarifo lacagaha qalaad.
Runtii haddii aanu nahay ardayda jaamacadaha ee ka soo jeeda gobolka saahil , si cad ayaanu uga soo herjeednaa labada arimoodba . waxa aynu la wada soconaa haddii aynu nahay dadka reer somaliland in madaxweynihii hore ee Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin uu qandaraaska dhismaha warshadii hore ee sibidhka siiyay muwaadiniin saamilay ah oo reer saamaliland ah , kuwaas oo ilaa hada ku guda jira dhamaystirka dhismaheeda , waxaynu ognahay in madaxweynaha jamhuuriyada somaliland ee hada talada dalka haya mudane Ahmed Mahamed Mahamoud ( Siilaanyo), isagoo tixraacaya go,aankii madaxweynihii hore in uu ayiday maalgashiga ganacsataas ee warshada sibidhka .
Waxa aynu ognahay in maalgashiga warshadaasi ku kacayo hanti aad u farabadan oo runtii ah maalgashi adag ,sida ay sheegaan ganacstadaasina warshadu waa warshad dabooli doonta baahida dalka soona saari doonta xadi sibidha oo u baahan doona suuq dabadeed . haddii arintu sidaa tahay , su,aasha is waydiinta mudani waxay tahay “ Ma loo baahanyahay warshad labaad oo sibidh”? runtii markaynu caqli saxa oo aqoon ku dhisan aynu ku hadlayno jawaabtu waa mid waadixa oo micnaheedu Yahay in aanay wakhtigan haboonayn in la dhiso warshad labaad oo sibidh, haddii ay dhacdana in la hirgaliyo warshad labaad taasi waxay keeni doontaa khasaare dhaqaale oo ku habsada maalgashadayaasha muwaadiniinta ah ee hore loo siiyay warsahda. sidoo kale waxay sababi kartaa in muwaadininta kale ku dhiiran waayaan maalgashiga dalkooda hooyo, arintaasina waxay caqabad ku tahay horumarka dhaqaalaha dalka. Sidaa daraadeed waa in fursad la siiyaa muwaadiniinta maalgashiga culus ku samaynaysa musharaaca warshadii sibidhka ee hore . ka aqoonyahan ahaan ma lihin ganacsiga cid gaara ah haloo xidho ( monopoly) , laakiin wa in marwalba laga fikiro baahida suuq ee jirta iyo danta guud ee dalka ,markaa waxa aanu madaxweynaha ugu baaqayna isaga oo ka talinaya ayaaha dhaqaale ee dalka in uu ka noqdo digreetada uu ku fasaxay warshad labaad oo sibidh.
Arinta labaad ee ah in Dahabshiil laga siiyay xarun sarifka lacagaha qalaada badhtamaha dekeda Berbera , iyana waa mid aanaan raali ka ahayn , sababtoo ah shirkada dahabshiil waa shirkad weyn oo heer caalamiya oo ku jirta ganacsi kala duwan oo dalka gudahiisa iyo dibadiisaba ah. Waxay ka mid tahay shirkadaha ugu hantida badan Somaliland. Markaa in ay cunaqabatayso ganacsatada dhaqalahoodu hooseeyo iyo qoysas badan oo ku nool sarifka lacagta dekeda ka soo baxda ee magaalda gasha , waa arin runtii shirkadana ceeb ku ah, dad badana dhibaato dhaqaale u gaysanaysa. markaa shirkada dahabshiil iyo cida kale ee ku lugta lihiba waxa u soo jeedinaynaa inay ka faraha kala baxaan arintaas .
Guntii iyo gabagabadii, intii ay arimahan kor ku xusani soo shaac baxeen, waxa ay dad weynaha magaalada Berbera iyo guud ahaan gobolka saaxil ka bixiyeen dareen xooggan oo arrimahaas ay ku diidanyihiin, taas oo keeni karta isku dhac iyo amni darro ka dhacda deegaankaas. Sidaas darteed waxa aanu shirkadda Dahabshiil u soo jeedinaynaa in ay arimahaas faraha kala baxdo , haddii kale wixii dhib ah ee halkaas ka yimaada ay masuuliyaddeda qaadi doonto. sidoo kale waxaanu madaxweynahana usoo jeedinaynaa in uu arimahaas si degdega oo aqoon iyo masuuliyadi ku dhisantahay u waajaho.
Qaar ka mid ah Xubnaha baaqa soo saaaray
1- Mubaarik cabdilaahi ibraahin
2- ismaciil cabdi ibraahin
3- ibraahin faarax guleed
4- xuseen cabdilaahi saleeban
5- calibashii cabdi ibraahin
6- ismaciil saleeban bulaale
7- aadan guuleed axmed
8- ibraahin cali yaasin
9- cabdixakiin maxamed faarax
10- maxamuud siciid xasan
11- axmed yuusuf ceeryaan
12- cabdikariin cabdilaahi muuse
13- axmed cali maxamed
14- axmed maxamed yuusuf
15- maxamed maxmuud odawaa
16- cali cismaan gaash
17- subeer ciiise maxamed
18- maxamed maxamuud cawil
19- faysal maxamuud xasan
20- jimcaale biix mire
21- caydaruus haybe cabdi
22- xasan ducaale maxamed
23- khaddar maxamed cabdilaahi
24- cabdiraxmaan cali axmed
25- xasan ismaciil faarax

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com