Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Canbaarayn Cid Kasta Oo Ciidanka Police-ka Iyo Hogaankooda Wax ka Sheegaysaa.

Ciidanka booliska somaliland waa ciidan qaran waajibaabkoodana si fiican u guta maalmahan dambe waxaanu warbaahinta ku maqlaynay odoyaal iyo dhalinyaro ka soo jeeda galbeedka hargeisa oo cambaaraynaya ciidanka booliska Somaliland gaar ahaan taliyaha ciidanka booliska sareeyo guuto Abdillaahai Fadal Imaan oo ay ku cambaaraynayaan wiil yar oo ku geeriyooday dhacdo ka dhacday gableedka magaalada hargeisa.

waxaynu wada ognahay in ciidanka booliska marka ay waajibadkooda gudanayaan hore iyo imikaba ay u dhici jireen dhacdooyin noocaasi ah sida aynu wada xasuusano dhacdooyinkaasi waxa ay ka dheceen Degmeda Ahmed dhagax , Degmeda Mahamud Haybe iyo waliba Degmeda Gacan libaax intaasi oo dhana waxaa ku dhintay dad waxaana lagu waayay hanti mood ah.

Waxa jira dad leh ciidanka Police-ku tababar ma qaataan, waxaan

arintaas ka leeyahay ciidanka police-ka Somaliland waa ciidanka ugu tababarka badan ciidamada geeska Afrika.

hadaba waaxay waxa ka duwayn dhacdooyinkaasi aan soo xusnahay ee arrinkani o noqday ugub waxaanu leenahay odoyaashaasi dalku waa nabad galyo illaahaynana waanu ugu mahad naqaynaan ee balaayada inaga daaya booliska aynu ku seexano nabad galyadeenana ilaaliya aynu ka dayno dhaleecaynta aan ku dhisnanayn xaqiiqada (NIN LAGU SEEXDOW HA SEEXAN ) CIIDANKU WAA CIIDAN QARAN ISLA MARKAASINA GUDANAYA WAAJIBAADKOODA KHALAD WAA DHICI KARAA BALSE TANI WAA UJEEDOOYIN AAN QEEXNAYN LAKIIN SOO BIXI DOONA).
maxamed f muuseTaliyaha-Booliska51-291x300

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com