Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Malaha isma maqalaysid waxad shalay reerkii aad lahayd waa gob oo abaal baannu u haynaa…” Boqor Bad Madow

Dhaqan bay leedahay Boqornimadu iyo Caaqilnimadu, Milgo ayuu hadalkuna leeyahay, anigu u hadli maayo sidii Boqor Cismaan oo Nin dadkiisa metelayaan ahay. Habar-jeclo iyo Habar-awal wax wayn baa ka dhexeeya, dadkuna hadduu yahay dad wada dashay intaa wax buu iska dilaya, waxna way kala galayaan, wax walbana waxa ka wayn tolnimada dadka ka dhaxaysa.

Boqor Buurmadoow wuxuu doonayaa inuu sida uu u hadlay inaannu u hadalno si u eeg oo inaan la catamuu doonaya. Anigu waxaan ahay Boqor metela Reerkayga oo haysata Xasaanaddii reerka. Laakiin, isagu ma haysto oo shirkii Gar-adag ayaa lagaga qaaday, hadalladan oo kale markuu ku hadalayo wuxuu u haystaa inuu wax na yeelayo, laakiin reerkooda uun buu wax yeelayaa.

Mujaahid Maxamed Kaahin annagaa u Abtiya, wixii ku dhacayna waxaannu ka raalli nahay may ahayn, waxaad mooddaa Mujaahid Maxamed Kaahin inuu ku diganayo, annagaa ka xun Inankii shalay ay Xabbaddu ku dhacday ee Askariga ahaa, Annagana shalayto Inankii lagu dilay Barriga ee Ciidanka Qaranka ahaa waxaannu u arkaynay inuu ka dhintay Qaranka. Inankayagii shalay xabbaddu ku dhacday ee Mujaahid Jabaan dhalay ee sida foosha-xun leh Madaxa looga toogtay annagu umaannaan eedayn reerka Habar-jeclo ee sharcigaannu ku eedaynay illaa immikana u haysannaa.

Haddaba, waxan Mushkilad ah oo inuu xaaqijiyey in uu ka dhintay Boqor Qaddaafi oo aannu u aragno inuu yahay Agoon aan waxba Xeerinayn oo wixii afkiisa ku soo dhacaba odhanaya, malaha isma maqalaysid waxad shalay reerkii aad lahayd waa gob oo abaal baannu u haynaa, annagu shalay markuu afduubay Tijaarkii Illaahay ha uu naxariste Juujule Habar-jeclo ayaa kiiska lahayd oo eedda leh kuma lahayn Maxamed Kaahinna wuxuu ahaa shalay kii ka soo furtay.

Maalinna Wasiirradooduu caayaa maalinna wixii maskaxdiisa ku soo dhaca ayuu yidhaahdaa Nin hadalka u fiirsanaya maaha Boqor Buurmadoow, aniga iyo reerkayaguba Boqor Buurmadow uma haysanno Boqor, annagu waxaannu mahad-celinaynaa Cuqaasha Habar-Jeclo waxaanan leeyahay annagu adiga dartaa kuu caayi mayno reerka aad tahay, ee waxaan kaga baxayaa is dhagayso Cismaanoow. Anigu waxaan ku haystaa inaad tahay kii baray Somaliland afduubka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com