Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Qaar ka mid ah Salaadiinta Beesha Suber Awal oo shirjaraa’id ku qabtay goordhawed Hotel Xaraf ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay in aanay taageerin Xukumada Madaxweyne Siilaanyo,

Qaar ka mid ah Salaadiinta Beesha Suber Awal oo shirjaraa’id ku qabtay goordhawed Hotel Xaraf ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay in aanay taageerin Xukumada Madaxweyne Siilaanyo, iyaga oo sheegay in Xukumada Siilaanyo tahay Cadceed Casar joogta, isla markan shacabkii Somaliland Dhibaato ku haya iyaga oo taxay dilal baddan oo xukumadu u geysatay dad shacab ah kuwaasi oo ay sheegen in aanay waxba galabsan.

Waxa kale oo ay si weyn u soo dhaweyn go’aankii Golaha wakiiladu ku horjoogsatay Wareejinta Haamaha Shiidalka Berbera, waxaanay Tilmaameen in golaha wakiiladu ay qaateen go’aan geesinimo leh.

Waxa kale oo ay ka hadleen Xaalada dalku marayo iyaga oo xusay in Somaliland meel halis ah marayso isla markana loo bahan yahay siddii loo bedeli lahaa Nidaamka fashilmay ee Xukumada Siilaanyo.

Suldaanka Guud ee Beelaha Suber Awal Suldan Xassan oo halkaasi ka hadlaya ayaa soo bandhigay dhaliilo baddan oo Xukumada Siilaanyo ay leedahay, waxaanu xusay in loo baahan yahay siddii wadajir laysku dhaafin lahaa Maamulka wakhtigan xilka haya.

Warkaasi oo faahfahsan la soco goordhow.SHABAKADA WARARKA EE MAANTA SOMALILAND

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com