ARDAYDA QALINJABINAYSA IYO QORSHE LA’AANTA SHAQO EE DALKA KAJIRTA.MUSHARAX XILDHIBAANIMADA BAARLAMANKA SUXUFI XUSEEN XARBI
FAALADAN AYAA KU SAABSAN ARDAYDA QALAN JABINAYSA IYO CAMAL LAANTOODA OO aan wax ka yidhaahdo shaqaxumid ka jirta dalka,IYADOO SHAQADII LAGU SALEEYAY QABIIL
kumanaan arday ah oo sanad walba kasoo baxaaya jaamacadaa tirade badan ee dalka kuyaal
kuwaasi oo si hagar la’aana u soosaara ardayda kala duwan ee barta culuumta lagu barto
xayndaabka aduunka dhexdiisa kuwaasi oo ahaan kara culuumi diini ah iyo kuwo maadi aah oo
lagu maamulikaro aduunka dhexdiisa.
Markaan arkay qorshe la’aanta ka jirta dalka ee shaqo xumo,markaan arkay,udabacsanaan
la’aanta dadka maamulada ka haya dalka,markaan arkay,garawshiiy la’aanta ka jirta dalka
waxaan is idhi nin waliba mara uu xilka qabto dawlada ama uu shaqoka helo ayuun buumoodaa
in dadku la midyahay,sidii habartii roobku helay ee daad wararac tidhi ee mooday in roobku
dadkoodhan helay,arinku ninkiisidaas moodaaya ee aan ka garaabayn waxaa dhacaya waxaan u
aqaan caqli gaab.
Ubad kaa soo baxaya ee ka qalinjabinaya jaamacadaa waxay ubaahan yihiin dadaalkoodii iyo
juhdigoodii mar hadii ay galiyee sanado badan waxbarasho ay ka filayeen in ay maruun ku
shaqayn doonaan hadii ay arinkaasi rumoobi waaayo waa arin yaableh,mana aha arin sahlan
waxaad usoo dhimatay oo aad waxba kuwaydid.
Dunida caalamka dadka waxaa jira dalku in uu dhaqaale leeyahay uu qofwali ama arday wali
hadii uu shaqo waayo uu isagu ku abuuran karo shaqo u gaara laakiin dalkeena taasi ma jirto oo
waxaaba iska culus sidii uu qofkani dhaqaale uu ku sameeyo shaqo u gaara ayaaba iska
adkaanaysa,dadku waxay dhaqaale iyo shaqo kahelaan in ay yimaadaan dalka waxa looyaqan
maalgashi ku waasi oo ka sameeya warshado dalka ku waasina waxay u baahdaan kumanaan
shaqaale ah oo warshadahaasi ka shaqeeya dalkeena siyaasada ay kaleeyihiin masuuliyiinta
xilaka qabtaa majiro mid ku guulaysta oo usoo horkaca maalgashi caalami ah bal iskaba dhaafe
inta ay hayaan ayaanay kafaa’iidaysan oo ay dayacaan qorshe la’aan awgeed.
Kolhadii aqoonyahan uu dalku yeesho waan in loo baneeyaa aqoonyahanka dalka maamulkiisa
iyo waxa ku qabadkiisa oo dadka waaway ee xilalka kaladuwan ilaa abid hayay ay ubaneeyaan
dhalinta markooda si loohelo maskax fareesha oo badaka tiihore.
Kolhadii aanay jirin cid u dhaqdhaqaaqda dayarta kana caawisa in ay shaqo u samayso waxaan
kula talin lahaa ardayda qalin jabinaysa ilaahay baa calafkiina hayee isku daya in aad idinku sidii
aad umaarayn lahaydeen shoqo umaaraysaan oo aydaan ku gaabsan shaqo la’aan baa kajirta
dalka ee xageen qabtaa ‘taasina waxay sababtaa isku kaliyayasi aad isku kaliyay sataan nafta oo
aad isla hadasho keentana aaminsanaw in ilaahay shaqo ku siinkaro kuna waasiinkaro waxan
aad daydayay saana adiga oon dhalan ilaahay qoray mana aha xirfad iyo xoog waa qoraal rabi.
Hadab waxaan usoojeedinayaa masuulkasta ama muwaadin kasta oo jecel in uu dalka ku soo
kordhiyo wax shaqo abuura ama fikrad lagu helayo shaqo in uu layimaado sidadka dhalinta ahi
uu uga baxo shaqo xumida baahsan ee jirta.
Dhalinyarada aan siku asxaabta nahay waxaan u soojeedinayaa in ay ilaah talasaartaa oo ay ku
dadaalaan sidii ay u heli lahaayeen shaqo ama shaqo abuur iskood.