Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay warqadii madaxweynaha somaliland dib ugu soo celiyey golaha wakiilada ee ku saabsanayd go,aankii uu golahaasi ka gaadhay wareejinta maamulka haamaha shiidaalka magaalada Berbera.

Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay warqadii madaxweynaha somaliland dib ugu soo celiyey golaha wakiilada ee ku saabsanayd go,aankii uu golahaasi ka gaadhay wareejinta maamulka haamaha shiidaalka magaalada Berbera.

Musharax Jamaal Cali Xuseen oo la hadlay warbaahinta waxa kale oo uu faah faahin ka bixiyey heerarkii kala duwanaa ee ay soo mareen haamaha shiidaalka Berbera.

Ugu horayn Musharax Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlaya warqada madaxweynaha somaliland dib ugu celiyey golaha wakiilada go,aankii ay ku laaleen wareejinta haamaha shiidaalka ayaa waxa uu yidhi “Waa ayaan daro in siilaanyo sidii uu u hadli jiray markii uu mucaaridka ahaa iyo maanta oo uu madaxweyne yahay sida uu u hadlayo inay laba kala gaar

ah yihiin, shalay wuxuu lahaa Daahir Rayaale ayaa iibinaya tiyaatarkii oo iibinaya beertii xoriyada waana wixii lagu dacaayadayn jiray Daahir Rayaale laakiin Kulmiye inta uu xoolihii wadanka oo dhan ee guriyihii iyo warshadihiiba iibiyey imikana u soo dhigtay haamihii shiidaalka, waxaan leeyahay distoorku waxa uu dawlada siiyey marka ay daruuri tahay inay xaq u leedahay, waxa kale oo dastuurku yidhi marka ay culays dhaqaale ku abuurayso arintaasi waa in golaha wakiilada la mariyaa markaa golahaasi marna meesha kama baxayaan waanay joogayaan, masuuliyada qaranka ayaanay qayb ka yihiin, waxaynu nahay dal faqiir ah, waxaynu ognahay haamuhu doorka ay ka ciyaarayaan dhaqaalaha dalka.”ayuu yidhi Musharax Jamaal Cali Xuseen

Musharax Jamaal Cali Xuseen ayaa sidoo kale ka hadlay wakhtigii ay shirkada Total gacanta ku haysay haamaha shiidaalka iyo sidii loo maamuli jiray iyo isbadalka ku dhacay markii ay xukuumada Madaxweyne Siilaanyo talada dalka gacanta ku qabatay waxaanu yidhi “Shalay shirkad caalami ah ayuu madaxweyne Cigaal siiyey oo Total ayaa maamulaysay haamaha, Daahir Rayaalana wuu sii waday oo muu eryin laakiin maalintii ay xukuumadani timid dadka waxay ku tidhi hantidii qaranka ayaa lagu tagri falayaa markaa dawlada ayaa gacanta ku haynaysa, hadaba maxaa keenay shan sanadood ka dib markii ay maashay inay tidhaahdo waanu iibinaynaa ama waanu kiraynaynaa, aniga ayaa idiin sheegaya siday wax u jiraan.”

Sidoo kale waxa uu ka hadlay qiimaha laga qaadi jiray shiidaalka iyo sidii loo maamuli jiray iyo isbadalka ay xukuumadu samaysay wakhtigii ay dalka qabsatay waxanu yidhi “Waxaynu ognahay shirkadii Total markii lala galay heshiiska foostadiiba waxa la saari jiray 10$ barigii ugu horaysay, shan doolar qasnada dawlada ayey ku dhici jirtay, shan doolarna shirkada Total ayaa foosto kasta ka qaadan jirtay oo waxa lagu dayactiri jiray haamaha wixii hanti ah ee ay shirkadaasi galisayna wa uga soo noqon jirtay, markii ay dawladani timid waxay ka dhigtay 14$, todoba doolar oo qansnada dawlada ku dhaca iyo todoba doolar oo maamulka haamuhu ay gacanta ku hayeen oo ilaa lacagtii Total uga soo noqon jirtay ay madaxtooyadu toos u qaadan jirtay qasnada dawladana aan ku dhici jirin.”

Sidoo kale Musharax Jamaal Cali Xuseen waxa uu sheegay inaan haamaha shiidaalka loo dayac tirin sidii loo baahnaa isla markaana qaar badani fadhiyaan waxanu yidhi “Waxa dhacday in lacagtii ay ahayd in lagu dayactiro haamaha laguma dayactirin, haamihii 22-ka ahaa waxa inoo shaqaynaya ilaa 6, dhuumihii shanta ahaa waxa inoo shaqaynaya hal dhuun, taasina haddii ay maanta jabto waxay dalka ku keenaysaa fawdo iyo nabad galyo daro sababta oo ah haddii lagu soo weeraro oo aanad shiidaalkaagii haysan waa dhibaato, waxa kale oo ay inagu abuuraysaa dhibaato dhinaca cimilada ah.”

Ugu danbayntiina Musharax Jamaal Cali Xuseen waxa uu sheegay inaan dawlada mudada loogu kordhin inay heshiisyo waa weyn gasho balse tahay inay doorasho dalka gaadhsiiso waxaanu markale yidhi isaga oo arimahaas ka hadlaya “Dawlada waxa mudo kordhinta loogu sameeyey labada sanadood inay doorashada qabtaan inay heshiisyo intaas leeg oo culays dhaqaale keenaya ay tidhaahdo anagaa iibinayna oo anagaa kiro leh ma guri ay leeyihiinbaa waa maxay sidaan doono ayaanu ka yeelaynaa, hanti ay leeyihiin mahaa xukunkoodiina wuu dhamaaday, waxaana loogu kordhiyey inay dalka doorasho ka hir geliyaan ee looguma samayn mudo kordhinta in dalka la boobo, waxaanan leeyahay arinkaasi halaga fiirsado dadku aad ayey uga kacsan yihiin kacdoon dadweyne ayey abuuri kartaa waana xasaasi, waanan ka soo horjeednaa mana ogolaanayno xataa hadii golaha wakiiladu ansixiyo ma ogolaanayno in haamaha la bixiyo sababta oo ah somaliland dhaawac ayey ku keeni kartaa.” Ayuu yidhi Musharax Jamaal Cali Xuseen

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com