Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

April 19th, 2011 Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi iyo waxgarad kale oo ka mid ah bulshada Somaliland ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen Huteelka Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa waxay ku sheegeen inay shirkada Somcable ugu ducaynayaan inay ku guulaysto hawsha ay qandaraaska lagu siiyay ee dalalka lagaga hirgelinayo isgaadhsiinta badda hoosteeda.

April 19th, 2011

Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi iyo waxgarad kale oo ka mid ah bulshada Somaliland ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen Huteelka Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa waxay ku sheegeen inay shirkada Somcable ugu ducaynayaan inay ku guulaysto hawsha ay qandaraaska lagu siiyay ee dalalka lagaga hirgelinayo isgaadhsiinta badda hoosteeda.

Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id wiuxuu sheegay inuu soo dhawaynayo xeerkan isgaadhsiinta ee Golaha Wakiiladu meel mariyeen waxaanu yidhi “Waxaanu maanta shirkan jaraa’id u fadhinaa Madax-dhaqameed, Cuqaal iyo Culimo ka tirsan Beesha Garxajis waxaanu taageersan nahay qaraarkii Wakiiladdu uu ku ansixiyay Xeerka Isgaadhsiinta Somaliland oo ah Xeer sharci ah isla markaana muwaadinka leh Shirkadda Som-cable xuquuq u siinaya inuu keeno Isgaadhsiinta Cable-ka badda hoos mara.waxaad moodaa in la siyaasadeeyay arrinta Cable-ka oo markay duruufo yimaadaan lama waayo wax la isku mashquuliyo. Waxaad moodaa Ganacsatadii dalka in lagu soo ururiyay Cable-ka oo ay dadku wada eegayaan, waxaana laga sameeyay
xaasidnimo dadweynaha la iskaga horkeenayo.”

Boqor Raabi wuxuu sheegay inuu ka mid ahaa dadkii markii hore ka soo hor jeeday isgaadhsiinta kaybalka ee la siiyay shirkada Som Cable, waxaanu yidhi “Golaha Wakiiladda waxaanu ku taageersan nahay muwaadinka xaqa u leh ee ay siiyeen.Anigu markii hore waan ka soo horjeeday in Isgaadhsiinta cid gaar ah la siiyo waxaanan lahaa dadku ha ka wada qayb qaateen. Waan bedelay ra’yigaa maadaama Ha’yadihii sharci dajintu ansixisay, cida waji qabiil u dhigaysana waxaan leeyahay ha loo haneeyo shirkadda la siiyay.”

“Anagu waxaanu taageeraynaa xeerkan Isgaadhsiinta ee Golaha Wakiiladdu ansixiyeen waxaana aanu leenahay sidiisa ha loo dhaqan geliyo. wixii Baarlamaanku Ansixiyayna waa inaynu sidiisa ugu dhaqanaa, waana inaynu u dayno shirkada la siiyay,”ayuu yidhi
Oday Xasan Kaahin Cabdilaahi, oo ka mid ahaa waxgaradkii shirkaasi ka hadlay.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Chief Caaqil Aabi Xasan Cabdi, waxaanu sheegay inay u hambalyaynayaan shirkada Somcable ee la siiyay qandaraaska isgaadhsiinta badda hoosteeda marta inay dalka ka hirgeliso, waxaanu tilmaamay inay shirkadan ugu ducaynayaan inay hawshaasi ku guulaysato.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com