Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

April 19th, 2011 Dubia (maantaSomaliland.com)- Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo ka mid ah weftiga uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland ee socdaalka ku maraya Imaaraadka Carabta ayaa ka xog waramay kulamadii ay la yeesheen masuuliyiinta dalkaasi.

April 19th, 2011

Dubia (maantaSomaliland.com)- Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo ka mid ah weftiga uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland ee socdaalka ku maraya Imaaraadka Carabta ayaa ka xog waramay kulamadii ay la yeesheen masuuliyiinta dalkaasi.

Xirsi Cali Xaaji Xasan wuxuu sheegay in maalintii shalay ay qasrigiisa kulan balaadhan kula yeesheen Wasiirka Tacliinta ee dalka Imaaraadka Carabta Sheekh Nahyaan Bin Mubaarak Al Nahyaan, isla markaana uu Madaxweynaha Somaliland u bandhigay waxyaabaha ay ka dalbanayaan dalka Imaaraadku inuu ka taageero Somaliland waxaanu tilmaamay in qodobadii ay ka dalbadeen ay ka mid ahaayeen sidii shirkadaha dalkaasi u maal gashan lahaayeen Somaliland iyo sidii ay dawlad Imaaraadku ay dalka uga saacidi lahayd dhinacyada waxbarashada, Biyaha iyo shaqo abuurka.

Chief of Cabinet-ku waxa kale oo uu sheegay inay caawa kulan la yeesheen mid ka mid ah shuyuukhda ka arrimisa Madaxtooyada Imaaraadka oo ay ka wada hadleen sidii labada dal iskaga kaashan lahaayeen arrimo badan isla markaana u sii xoojin lahaayeen cilaaqaadka labada wadan.

Md. Xirsi Cali X. Xasan oo caawa u waramayay BBC-da waxa kale oo wax laga weydiiyay inuu tafaasiil ka bixiyo shirweyne lagaga hadlayo la dagaalanka Budhcad badeedka oo lagu qabtay dalka Imaaraadka oo ay ka qeyb galeen xubno ka mid ah weftigii Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

“Shirkaasi Madaxweynuhu kama uu qeyb galin ee waxa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibadada waxaana lagu casuumay Wasiirradda arrimaha dibada ee Konton wadan oo caalamka ah, shirkaasi wali muu dhamaan ee wuu socdaa, tafaasiishiisana waxaad ka weydiin kartaan Wasiirka Arrimaha Dibadda,”ayuu yidhi Md. Xirsi Cali X. Xasan.

Chief of Cabinet-ku, waxa kale oo uu sheegay inay socdaalkoodan Imaaraadka Carabta uga sii gudbi doonaan dalka Kuwayt oo ay ka haystaan martiqaad rasmi ah, waxase uu xusay inay jiraan dalal kale oo khaliijka ah oo ay qalqaalinayaan inay socdaal ku tagaan. [SlideDeck id=’1598′ width=’100%’ height=’300px’] [if-recent max=”5″]

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com