Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

WAY QALIN JABIYEEN LAAKIIN WAY NIYAD JABEEN,M.XILDHIBAANKA BAARLAMANKA SUXUFI XUSEEN XARBI

Laga bilaabo 2000 waxa Somaliland aad usoo kobcayay horomarka wax barashada ee dhalinyarada iyo ka qalin jabinaya sanadba sanadka ka danbeeya kumanan arday ah oo u heelan inay wadankooda wax u qabtaan.

Waxa wax lagu faano ah sida ay ardaydu wax u dhiganayan ee ay ugu kalsoonyiin wadankooda ,iyagoo ku rajo wayn inay wax ka helayaan ama ka shaqaysanayan .

Waxaynu aragna maalin walba xaflad iyo damaashaad loo qabanayo ardayda iskuulada ,bareefadada,madarasadaha iyo jaamacadaha iyagoo waliba si aad u heer saraysa wax u baranaya .

Manta wadanka waxa ka furan intaaso jamacadood oo kala heer sareeya kuna dadaala inay wadanka u badalaan dad wax bartay aqoona leh, dadkuna waxa uu horumar gaadha marka uu ka dhismo waxbarashada .

Waxa wax laga farxo ah ardaydu malinkay iskuulka galan ama kalin ku guulaystan ama jaamacada u gudban waxay farxaan farxad aad u wayn iyagoo ku Ididiilanaya inay gulaysteen ama wax qabsadeen lkn marka ay dhamaystaan waxay naxaan naxdin aanay waligood nixin wayo waxa wajahaya xaalad adag oo ah inay waayaha aduunka la kulman .

Sida aynu lawada socono waxa wadankena ka taagan shaqo xumo baahsan iyo qabyaalad qariban oo kii aabihi magac ,lacag ama mansab haysta uu shaqda ku guulaysanayo kii an mid inta midna haysana wuxuu noqonaya inuu darag ama wax qariban noqdo ama tahriibo waxana u sababa qabyaalada iyo cadaalad darada haysata dhalinyarada tabaalaysan .

Waxan umada ugu baaqay inay cadaalada guryahooda kaso dhisaan kana dhigaan dhexdooda dad is ku duuban ,masuuliyiintana waxan u sheegaya inay illaahay kaga baqaan dhaalinyarada

hussein harbl

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com