Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

iyaaradaha dagaalka ee dawladda Suuriya ayaa qaaday mid ka mid ah weeraradii ugu cuslaa ee ay ka fuliyaan magaalada Palmyra

iyaaradaha dagaalka ee dawladda Suuriya ayaa qaaday mid ka mid ah weeraradii ugu cuslaa ee ay ka fuliyaan magaalada PalmyraD, halkaas oo ay gacanta ku hayaan dawladda Islaamiga ah sida ay sheegayaan qolyaha xuquuqda aadamaha u dhaq dhaqaaqa.

ku dhawaad 25 weerar oo dhanka cirka ah ayaa sababay geerida 26 ruux oo ay ku jiraan 12 ka mid ah malayshiyada, sida ay sheegeen qolyaha xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa ee fadhigoodu yahay Britain.

Ururka is ku magacaaba Dawladda Islaamka ayaa qabsaday magaalada Palmyra, halkaas oo ay ku yaalaan meel ay Qaramada Midoobay u aqoonsatay hide iyo dhaxal aadame oo qadiimi ah.

Hadii aan eegno goobo kalena weeraro dhanka cirka ah oo lagu qaaday Idlib ayay ku dhinteen 17 ruux sida ay sheegeen qolyaha la socda xaaladda.

Magaalada Idlib waxaa ku xoogbadan is bahaysiyo jihaad doon ah iyo kooxo Islaamiyiin ah oo isugu yeera ciidanka fatah.

Ilo milittari oo suuriyaan ah ayay wakaaladda wararka ee Reuters ka soo xigatay in ay sheegeen inay adeegsanayaan hub cusub oo casri ah oo lagu kalsoonaan karo oo ay ka heleen dalka ay saaxiibka yihiin ee Ruushka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com