Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Abudubai 19 april /2011(maantaSomaliland.com)- Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisii ayaa manta kulamo la yeeshay qaar ka mid ah jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan wadanka Imaaraadka Carabta, kuwaasi oo weftiga ku booqday halka ay degan yihiinmaantana u kicitimi doona dalka kuwayt

Abudubai 19 april /2011(maantaSomaliland.com)- Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisii ayaa manta kulamo la yeeshay qaar ka mid ah jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan wadanka Imaaraadka Carabta, kuwaasi oo weftiga ku booqday halka ay degan yihiin.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xubnaha Jaaliyada ee uu la kulmay uga waramay xaalada dalku ku sugan yahay iyo socdaalkooda dalka Imaaraadka carabta.

Madaxweynuhu wuxuu u soo jeediyay qurbo jooga ku dhaqan dalkaasi inay kaalin weyn ka geystaan qadiyada ictiraaf raadinta Somaliland isla markaana ay ka hawl galaan dib u dhiska dalkooda hooyo.
Md. Axmed Siilaanyo waxa uu soo jeediyay jaaliyada inay danta dalkooda u midoobaan waxaanu uga mahad celiyay booqashada ay ugu yimaadeen weftiga.

Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa oo maalmaha soo socda socdaal ugu kicitimi doona dalka Kuwayt oo ay marti qaad ka haystaan waxaanay maalmihii la soo dhaafay ay kulamo kala duwan la yeesheen Wasiirka Waxbarashada ee dalka Imaaraadka iyo xubno kale oo ka tirsan qasriga madaxtooyada dalkaasi waxaanay labada dhinac ka wada hadleen sidii labada dal ay u soo xoojin lahaayeen xidhiidhkooda.
Waxaanu Madaxweyne Axmed Siilaanyo ka dalbaday maamuleyaasha Imaaraadka carabta inay Somaliland ka gacan siiyaan maal gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.
xuseen xarbi
hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com