Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hargeysa19/4/2011 (maantaSomaliland.com)- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wasiir Ku Xigeenada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Iyo Maaliyadda ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta wasaarada warfaafinta waxay ku dhawaaqeen olalaha cashuur ururinta dalka

April 19th, 2011 Comments Off

Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wasiir Ku Xigeenada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Iyo Maaliyadda ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta wasaarada warfaafinta waxay ku dhawaaqeen olalaha cashuur ururinta dalka. Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Maaliyada Md. Warsame Siciid Cabdi ayaa shacbiga Somaliland ka dalbaday inay si hufan iskaga bixiyaan cashuuraha kala duwan ee ku waajibay hantidooda iyo ganacsigooda. Wasiir Ku Xigeenku waxa uu sheegay cashuuraha kastamaddu ay meel aad u fiican marayaan, waxase uu tilmaamay in cashuuraha barigu ay hooseeyaan inkasta oo uu ku dooday inay 53% kor uga soo qaadeen halkii markii hore ay joogeen.

“Waxaan Ganacsatada iyo bulshada Somaliland ka dalbanaynaa inay si wadaniyad leh iskaga soo bixiyaan cashuuraha ku waajibay, cashuuraha barigu way hooseeyaan inkasta oo aanu 53% kor uga soo qaadnay halkii ay markii hore taagnaayeen,waxaan dadweynaha xusuusinaynaa in waxa loogu qabanayo adeegyada kala duwan ay yihiin cashuuraha ay bixiyaan,”ayuu yidhi Wasiir Ku Xigeenka Maaliyaddu.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo wacyigelinta Md. Axmed Cabdi Xaabsade ayaa sheegay in cashuuraha aanay muwaadiniintu u bixin sidii haboonayd.

“Waxaan Muwaadiniinta reer Somaliland aan u soo jeedinayaa inay sida ay tahay iskaga bixiyaan cashuuraha iyaguna waxay xaq u leeyihiin in horumar loogu sameeyo cashuuraha ay bixinayaan,xukuumadani waxay diyaar u tahay in muwaadiniinta cashuur bixiyeyaasha ahi la xisaabtamaan waxaana ay balan qaaday in sadexdii biloodba mar ay soo bandhigto wixii ay qabatay,”ayuu yidhi Md. Axmed Cabdi Xaabsade.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Md. Cismaan Garaad Soofe oo ka waramay ahmiyada cashuuruhu u leeyihiin dhismaha qaranka iyo nabadgelyada dalkaba.La Taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha Axmed Xasan Carwo ayaa sheegay in Golaha Wasiirradu ay sadexda wasaaradood u xil saareen inay ummadda reer Somaliland ku wacyi-geliyaan cashuur bixinta.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo shacbiga u soo jeediyay inay iska bixiyaan cashuuraha ku waajibay si xukuumada cusubi ugu fuliso horumarintii ay ku balan qaaday.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com