Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Afhayeenka madaxwaynaha Oo Shaaciyay Muuqaalka Ka Dhashay Socdaalka Gaboose Uu ku marayo Bariga Dalka

[SlideDeck id=’1950′ width=’100%’ height=’370px’]
Dubai (maantaSomaliland.com)- Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa ka hadlay dareenka ka dhashay socdaalka wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ku marayo gobolada bariga Somaliland, kaasi oo ay ka dhasheen dareeno sheegaya in wasiirku u gogol xaadhayo sidii uu dib ugu furi lahaa urur siyaasadeedkii Qaran ee uu ka tanaasulay markii sharciyaddiisa la deedafeeyay.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland waxa kale oo uu faah-faahin ka bixiyay nuxurka kulamada weftiga Madaxweynaha Somaliland la yeeshay madaxda dalka Imaaraadka Carabta.

Cabdillaahi Cukuse waxa uu sheegay in weftiga Somaliland ay kala xaajoodeen madaxda dalka Imaaraadka Carabta arrimo badan oo ay ka mid yihiin sidii ay Somaliland uga caawin lahaayeen dhinaca adeegyada nolosha asaasiga ah, sida caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha.
“Dalkayaga Somaliland waa dal baahi wayn u qabay in uu caalamka xidhiidh la yeesho, Caalamka Islaamka, Caalamka Galbeedka iyo kuwa Afrikaba baahi wayn u qaba. Wadanka Imaaraadka Carabtuna waa wadan dadka reer Somaliland uu xidhiidh badan oo taariikhi ahi shacbi ahaan ka dhexeeyay, markaa sababaha aanu u nimi waxa weeye dhinaca dhaqaalaha, wax wada qabsiga iyo aqoonsiga intaba.
Tusaale ahaan dalka Somaliland waxa wakhtigan ka jiraa abaar, waxa ay soo noqnoqotaa sannad walba, waxa weeye in wadanka loo helo wax uu kaga haqab baxo biyaha, dadkii naga caawin lahaana waxaanu u doorbidnay in ay ugu horayso Imaaraadka Carabtu,” ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir oo caawa u waramayay Idaacadda VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga.
Afhayeenka Madaxtooyada oo la waydiiyay in ujeedada socdaalkoodu uu yahay mid la xidhiidho oo kaliya sidii ay caawimo uga heli lahaayeen dalka Imaaraadka Carabta, waxa uu ku jawaabay “Waa waxa ugu horeeya ee aanu hadda isha ku hayno, waxaa laga wada hadlaa baahiyuhu sida ay u kala horeeyaan ayaa loo kala hormariyaa, wadanka Imaaraadka Carabta dawladdiisu in ay wax nagala qabtaan dhinaca nolosha asaasiga ah, sida Caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo wixii la mid ah. Waxaanu la kulanay madaxda ugu waawayn dalka Imaaraadka Carabta, Shirkado, Ganacsato waawayn iyo dad awood u leh in ay maalgashi ku sameeyaan Somaliland. Sheekhuna waxa uu madaxweynahayaga u sheegay in uu dhinaciisa diyaar u yahay in uu wax wayn la qabto Somaliland. Waxaanu la kulmi doonaa Madaxweynaha dalkaas, Shiyuukhda Raasul Khiimaya iyo kuwo kale. Intaa kabacdina waxaanu u amba bixi doonaa dalka Kuwayd.”

Cabdilaahi Maxamed Daahir oo la waydiiyay in weftigoodu ka qayb galayo shir lagaga hadlayo arrimaha budhcad badeeda oo ka soconaya dalka Imaaraadka Carabta, oo ay ka qayb qaadanayaan wadamo badan oo dunida ah iyo dalka Soomaaliya, waxa uu ku jawaabay “Shirkaas waxa ka qayb galay wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, waanu ku maqan yahay shirkaas oo ka socda magaalada Dubai, shirkaasi waxa oo uu xidhiidh la leeyahay shirar noociisa ah oo dalal kale lagu soo qabtay, waxaana lagaga hadlayaa arrimaha budhcad badeeda, meelaha nabadda looga baahan yahay ayay badda lafteedu ka mid tahay, markaa khasab ayay tahay in aanu ka warhayno shirarka noocaas ah oo aanu ka qayb galno, wasiirka arrimaha dibadda ayaana ka qayb galay.”
Afhayeenka oo wax laga waydiiyay arrinta furashada ururada siyaasadda iyo ujeedada socdaalka wasiirka arrimaha guduhu ku marayo gobolada bariga Somaliland waxa uu ku jawaabay “Maxamed Cabdi Gaboose waa wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, had iyo jeerna inta aanu ka warhayno safaradiisaasi waxay xidhiidh la leeyihiin uun dhinaca amniga iyo bulshada uu wasiirka u yahay. Wakhtigan xukuumaddu kuma hawlana ururo cusub oo la furayo iyo ururo hore oo la xidhayo, waayo waxaa la diray guddi, gudidaas ayuu madaxweynuhu ka sugayaa in ay talo ka keenaan, laakiiin xaqiiqada meesha ka jirtaa waxa weeye xukuumaddani waxay leedahay madax, Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa hogaamiye ka ah, xubin kasta oo xubin ka ah xukuumaddu waxa ay ku khasban tahay in ay talada hogaamiyaha xukuumadda raacdo.”
sagal jaamac yuusuf

hargaysa
maanta somaliland.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com