Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hargeysa (maantaSomaliland.com)-Somaliland ayaa ka baaqatay tartanka kubbadda kollayga ee caasimadaha bariga iyo badhtamaha Afrika oo Salaasadii si rasmi ah uga furmay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, tartankaasi oo lagu soo marti qaaday koox ku ciyaaraysay magaca caasimada Hargeysa.

Fadeexaddo Hadheeyay Wasaarada Ciyaaraha Iyo Somaliland oo ka Baaqatay Tartanka Bariga Afrika

Hargeysa (Somaliland.com)-Somaliland ayaa ka baaqatay tartanka kubbadda kollayga ee caasimadaha bariga iyo badhtamaha Afrika oo Salaasadii si rasmi ah uga furmay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, tartankaasi oo lagu soo marti qaaday koox ku ciyaaraysay magaca caasimada Hargeysa.

Qurbo-jooga Somaliland ee ku dhaqan wadanka Kenya ayaa ku hungoobay garoonkii ay ciyaaraha tartanka kubadda Kollayga ee dalalka bariga iyo badhtamaha Afrika ka furmeen waxaanay niyad jab ka muujiyeen markii kooxdii Somaliland matalaysay ay ka baaqatay tartankaasi oo ay xuseen inuu sumcad siyaasadeed iyo mid bulshadaba uu u lahaa Somaliland.

Qurbo jooga ku dhaqan wadanka Kenya waxay nasiib darro ku tilmaameen sababaha baajiyay kooxdii tartankaasi ka qeyb gali lahayd waxaanay ku eedeeyeen wasaarada ciyaaraha iyo dhaqanku ay ku guul daraysatay inay ciyaartoygii Somaliland ambo bixiso.

Agaasimaha guud ee Wasaarada dhalinyarada, ciyaaraha iyo dhaqanka Mustafe Maxamuud Qodox, la weydiiyay sababta baajisay ciyaartoygii Somaliland waxaanu yidhi “Arrinta baaqashada dhawr sababood ayaa keenay Ta ugu weyni waa dhinaca dhaqaalaha waana hubaal taasi. Lacagtii imika lagu ambo-bixi lahaa Aniga ayaa haya oo bog xisaabeedka wasaaradda ayay ku jirtaa. Lacagtaasi xiligii ay na soo gashay waxay ahayd xili dambe kalsoonidduna waxay ku xidhan tahayn kharashka iyo hadba waxaad haysato. Adigoo u ordaya inaad lacagtii hesho ayuu dhinacna wakhtigii is gurayaa oo la doonayaa in fiisooyinkii iyo hawshii kale la wado waxa ugu weyn ee naga horyimid waxaan aaminsan nahay waa dhinaca dhaqaalaha maadaama oo aanay wasaaradda lacagi meel u oolin ama miisaaniyaddaba aanu ugu jirin wax kharash ah oo lagu tago safar dibadeed.”
Agaasimaha guud waxa uu gaashaanka ku dhuftay in masuuliyiinta wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaruhu ay leeyihiin masuuliyada baaqashada ciyaartoyga Somaliland.

Guddoomiyihii hore ee xidhiidhka kubadda cagta Somaliland C/Rashiid Caydiid Yaasiin, ayaa masuuliyiinta wasaarada Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka ku eedeeyay inay ku guul daraysteen arrintan isla markaana ay hawshoodii ka soo bixi waayeen isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Runtii Arrinta kharashka wax u baaqday ma jirto, marka laga reebo qeyb yar oo Wasaarada Ciyaaraha loogu tallo galay inay bixiso oo aanay diyaarin. Waxay arrintu u baaqatay xidhiidhkii lala sameyn lahaa cidii marti gelinta sameysay laguma celin wax wargelin ah marka laga reebo balan qaad ah waanu ka qeyb galaynaa. 22 kun oo Dollar ayaa loo diyaariyay.”

“Arrintan oo I damqaysa isla markaana ah dan weyn oo Somaliland ka luntay waxa masuuliyadeeda leh saaxiibkay Agaasimaha Guud Mustafe Maxamuud Qodax iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha,”ayuu yidhi C/Rashiid Caydiid Yaasiin.

Dhinaca kale, Ciyaartoyga kubadda kollayga ee caasimada Hargeysa ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa waxay xukuumadda ka dalbadeen in tallaabo laga qaado masuuliyiinta wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo ay ku eedeeyeen inay ciyaartoyga dalka seejiyeen fursad aad u weyn.

xuseen xarbi
maantasomaliland.com
hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com